Iyada oo muddooyinkan dambe dadka Xujaajta iyo Cimraystayaasha ahi si weyn ugu sii kordhayaan tirooyin aad u badana ku tagayaan goobaha barakaysan sida Baytka Ilaahay ee Xurmada Leh ayaa waxa hadana taas barbar socdo caadooyin iyo hab-dhaqano layaab leh oo ku lammaan gudashada waajibaadka Xajka iyo Cumrada oo ah arrimo layaab leh oo ah dhinaca aaminsanaanta horena aan loo aqoon. Ilaalada Xaramka Shariifka ah ee Makka Al Mukarrama ayaa sannadkii labaad oo xidhiidh ah waxa ay ka hadlayaan culays weyn oo ka haysta in dad ka mid ah dadka soo cimraysanaya ama xajka imanayaa ay caadaysteen in ay dunta ka siibaan marada madaw ee kacbada ku dahaadhan kadibna ay cunaan oo ay liqaan iyaga oo aaminsan in ay arrintaasi ka helayaan barako iyo nasiib badan oo ay u soo jiidayso waxa kale oo jirta in dad badani sannado xidhiidh ah si qarsoodi ah wakhtiyada cimrada Xaramka loo joogo ay marada madaw ee kabcada ku dadan ay qaarkood si qarsoodi ah gobolo maradaasi ka mid ah inta ay cidhifyada uga goostaan oo ay hoosta ku qarsadaan dibna guryahooda ula tagaan iyaga oo aaminsan in ay ka barkaysanayaan oo ay maradaasi u soo jiidayso nasiib wacan iyo wanaag dheeraad ah. Masuul u hadlay guddida ilaalinta iyo daryeelka Xaramka Barakaysan ee Makka Al Mukarram ayaa sheegay in shantii sano ee ugu dambeeyey ay si weyn kor ugu kacday tirada dadka soo cimraysanaya ee daafaha dunida isaga kala imanaya balse ay dhacday caado soo noqnoqota oo ay dhibaato ka haysato ilaalada xaramka, arrintaasi oo ah dadka marada madaw ee kacbada ku dadan googoosta ama dunta inta ay ka siibaan afka galiya iyada oo aan cidi arkayn qaarkoodna sidaa ku liqaan kuwo kalena ay qarsadaan marooyinka yaryar ee gobolka ah ee ay ka goostaan marada weyn ee madaw iyaga oo dhammaantood aaminsan dareen kali oo ah in ay maradan barakaysan wax badan u tarayso sida nasiib wanaagsan oo ay noloshooda ku noolaadaan iyo barako dheeraad ah. Dr. Maxamed Bajudah oo ah maamulaha shirkadda tosha ee samaysa marada madaw ee kacbada lagu dul xidho ayaa sheegay in dad badan oo soo cimraystaa caadaysteen in ay dunta ka siibaan marada oo ay cunaan qaar ka mid ahina qaataan halka kuwo kale laftoodu qaybo ka mid ah maradaasi goostaan oo ay qaataan iyaga oo uga jeeda in ay Barako iyo wanaag ka helayaan. Mar walba waxaanu ku dadaalnaa in aanu hagaajino oo cusboonaysiino marada haddii la goo goosto, ilaalada xaramkuna dadaal weyn ayay samaynayaan si caadadaasi loo joojiyo.
Iyagoo Aaminsan In Ay Barako Ka Helayaan Ayay Qarsoodi U Cunaan Dunta Iyo Marada Madaw Ee Kacbada Ku Shaqlan!!
Date: