War Deg Deg Ah: Laanta Bankiga Dhexe Ee Dekedda Magaalada Muqdisho Oo Laga Xaday Lacag Dhan $204,000

Date:

Laanta Bankiga Dhexe uu ku lahaa Dekeda Muqdisho ayaa laga xaday lacag dhan 204,000 (Labo Boqol iyo afar kun oo dollar ah), iyadoo durbaba arrintan ay ku lug yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Dhexe, isla markaana khilaaf ka dhex dhalisay Garsoorayaasha Maxkamadaha.

Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah Garsooraha Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Laanta Bankiga Dhexe ee Dekeda Muqdisho uu lunsaday lacag dhan $204,000, isagoo cadeeyay in Maxkamadda ay amartay in Cadaalada la horkeeno, si wax looga weydiiyo.

“Nin la yiraahdo Cabdi Maxamed Abuukar Dhiiley ayaa 204-kun ka qaatay Laanta Bankiga Dhexe ee Dekeda Muqdisho, ninkaas waxaa laanta Bankiga Dhexe keentay Guddoomiye kuxigeenka Bankiga Dhexe Maryan Macalin, Hanta dhowrka guud wuxuu amray in la soo xiro ninkaas oo ay ku maqan tahay lacagtaas, waxaa markii dambe la soo qabtay nin aan shaqo ku laheyn oo lagu magacaabo Amiin C/qadar Amiin”ayuu yiri Garsoore Dr Mukhtaar Nuur oo intaa ku daray in Liiskan ay ku lug leeyihiin Xeer Ilaalinta.

Waxaa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare inuu xil ka qaadis ku sameeyay Garsoorayaal, isla markaana arrintan ay qaab sharci darro ah u soo fara geliyeen, isagoo intaa ku daray in arrinta loo rogay mid qabiil, waxaana uu tilmaamay in halka Soomaaliya laga heysto ay tahay Garsoorka iyo Cadaaladda.

Arrintan ayaa waxay sare u qaadeysa cabsida laga qabo in la lunsado hantida qaranka, iyadoo la guda galayo marxalad kala guur ah, isla markaana dhowaan dalka ka dhaceyso doorasho.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu shaaciyay in lacag ka badan nus milyan dollar laga xaday Bankiga Dhexe, isla markaana uu lacagtaas qaatay mid ka mid ah Qasnajiyada uu lahaa Bankiga.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...