Somaliland: Wasaaradda Ciyaaraha Oo Maanta Ku Dhawaaqi Doonta Xilliga Uu Qabsoomi Doono Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland

Date:

Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah si rasmiya ugu dhawaaqi doonta xilliga uu qabsoomi doono tartanka ciyaaraha gobollada Somaliland, kaas oo wajigii koowaad ee isreeb-reebka kubadda cagta la qabtay sannadkii hore.

Wajigii hore ee isreeb-reebka kubadda cagta oo sannadkii hore lagu qabtay magaalooyinka Borama iyo Burco ayaa waxaa u soo gudbay tartanka rasmiga kubadda cagta 8-gobol, kuwaas oo tartankan ku ciyaari doona Hargeisa Stadium.

Tartankan maanta lagu dhawaaqi doona oo ku kala baxaya ciyaaraha kubadda cagta, kubadda koleyga iyo ciyaaraha fudud (Orodka), ayaa ka xiiso badnaan doonaa tartamadii hore ee la qabtay, maadaama tartanka kubadda cagta lagu ciyaari doona garroonka Hargeisa Stadium oo Doogga Sanaaciga ah lagu goglay, halka sidoo kale garroonka Tima-cadde isna lagu sameeyay dayac-tir ballaadhan sidoo kalena Riimanka (Goolasha) qurraaradda ah ee caalamka lagu xidhi doono.

Isku soo wadda duubo, tartankan oo wasaaradda ciyaaraha lagu dhaliilayey qabsoomidiisa ayaa la filayaa sida aanu ku helay ilo xogogaal ah, in uu qabsoomo dhammaadka bisha soo socota ee October, laakiin waxa aynu ka war-sugi doonaa dhawaaqa berrito ee wasaaradda iyo waxyaabaha kale ee ay ku daraan qabsoomidda tartanka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...