Somaliland: “Marka Aan Xasuusto Dhibaatadii Somaliland Ku Dhacday Waan Murugoodaa, Laakiin Soomaaliya Aniga Ayaa Maanta Madax Ka Ah”

Date:

“Qadiyadda Somaliland Weli Way Taagan Tahay Laakiin Midnimadii Kamaanu Tanaasulin Kamana Tanaasulayno”

Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud

Madaxweynaha Waddanka Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu ku rajo weyn yahay in wada hadallada somaliland iyo Somalia guul laga gaadhi doono, isaga oo tilmaamay in somaliland tahay meel uu nabad iyo horumar ka jiro dedaal badanina ka socdo, balse ay iyagu hadda ka soo kabanayaan duruufo soo maray. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u waramay Idaacadda VOA-da, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in wada hadallada labada dhinac aanay ku jir wax deg deg ah, isla markaana ku adkaystay in go’aankoodu yahay midnimadii somaliweyn oo aanay markanaba ka tanaasuli doono sida uu caddeeyey. Xasan Sheekh Maxamuud oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Somaliland dhibaatadii ku dhacday ee ay dawladdii hore ku samaysay aad ayaan uga xumahay dhibaato culus ayey ahayd, marka aan xasuustana waan murugoodaa, mana soo noqon doonto dawlad dambe oo waxaas oo kale samaysa, arrin xanuun badan ayey ahayd dawladdii berigaas joogtay ayaana samaysay maanta Somalia aniga ayaa madax ka ah, xanuunkaas dhacay waxa uu u baahan yahay wakhti dheer oo uu ku soo bogsado, Somaliland waa meel nabad ah horumar badan iyo dedaallo ayaa ka jira, anaguna duruufo gaar ah ayaanu ku jirnay oo hadda ayaanu ka soo kabanaynaa, wada hadalku wuu bilawday waxaanuu ka mid yahay horumarka la gaadhay, aad iyo aad ayaan rajo uga qabaa in guul laga gaadhayo, laakiin ma deg degsanin oo in aanu deg degno ma doonayno in mid nimadii la soo celiyo ayaanu rabnaa kamanaanaan tanaasulin mid nimadii kamana tanaasulayno, laakiin waxaanu rabnaa in midnimadii loo soo celiyo si raali la isaga wada yahay mar dambena aanay u lumi Karin, markaa qadiyadda Somaliland way taagan tahay waanu daba soconaa weli kamaanaan quusan”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...