Khubarada Caafimaadka Iyo Arrimaha Bulshadu mar walba kama daalaan in ay soo saaraan natiijooyinka cilmi-baadhisyo muddo badan lagu hawlanaa iyo sidii looga sal gaadhi lahaa hadba wixii markaasi la doonayo in aqoon dheeraad ah laga ogaado, si ummadaha dunida ku nooli uga helaan xogo ay ku sar gooyaan hab nololeedkooda gaarka ah. Daraasadaha caafimaad ayaan sinaba u hakan waxaana mar walba intaasi lagu dhawaaqaa mid hor leh oo daaha ka rogaysa arrin markii hore aan laga war qabin ama faahfaahin laga haysan. Sigaarka iyo guud ahaan qiijinta buurigu waxa ay ka mid yihiin aafooyinka ummadaha dhibaatada caafimaad ku haya sidaa darteed waxa mar walba lagu dadaalaa sidii macluumaad cusub looga keeni lahaa. Daraasaddii ugu dambaysay ee dhinaca sigaarka iyo qiijinta buuriga ah oo toddobaadkan la shaaciyey ayaa lagu ogaaday in dadka buuriga cabbaa ka caajis badan yihiin kana hurdo yar yihiin dadka caadiga ah ee aan sigaarka qiijin. Cilmi-baadhayaal u dhashay wadanka Brazil ayaa daraasad cusub oo ay toddobaadkan soo saareen natiijadeedii waxa ay ku sheegeen in dadka sigaaryo-cabka ahi ka tabcaansan yihiin mar walba dadka aan cabin sidoo kalena dhinaca hurdada aad uga hurdo yar yihiin dadka aan sigaarka qiijin iyaga oo seexda hurdo ka yar inta uu seexdo qofka kale. Cilmi-baadhayaashan ayaa sheegay in si loo wanaajiyo hannaanka nololeed ee caadiga ah ee qofka loo baahan yahay in sigaarka la joojiyo si qofku u helo firfircoonida dabiiciga ah ee jidhka una seexdo hurdo ku filan oo wanaagsan. Waxa kale oo natiijada daraasaddan lagu sheegay in dadka sigaarka cabbaa ka qulub iyo werwer badan yihiin dadka aan cabin taasina tahay arrimo la xidhiidha dhinaca Hab-dhiska dhambaal-wadayaasha ee loo yaqaano (Nervous system). Sida uu baahiyey wargeyska Daily Mail, koox ka tirsan Jaamacadda Londrina ee dalka Brazil ayaa natiijada cilmibaadhis ay ku sameyeen ku dhawaad 2000 oo qof oo isugu jira sigaaryo-cab iyo kuwo kale oo aan cabin in ay ku ogaadeen in dadkii sigaaryo cabka ahaa ka caajis bateen dadkii kale ee caadiga ahaa. “Waxa aanu dadka ku xidhaynay qalab cabbiraya dhaqdhaqaaqooda waxaana noo soo baxday in dadka aan sigaarka cabin ka firfircoon yihiin kana dhaqdhaqaaq bateen dadkii sigaaryo-cabka ahaa iyada oo aanu dadka qalabkan ku xidhaynay muddo dhan 12 saacadood oo xidhiidh ah, qalabkaasina cabbirayay tirada xarakaad ee uu sameeyo qofku” sidaa waxa Julio Cesar oo ka mid ahaa khibarada daraasaddan shaacisay.
Sigaaryo-Cabka Oo La Ogaaday In Ay Ka Caajis Badan Yihiin Kana Hurdo Yar Yihiin Dadka Aan Cabin
Date: