Ku Cibro Qaado: Waxa Uu Ku Riyooday Malaggii Nafta Qaadayay Ee Cazraa’iil Maalin Kadibna Waxa La Soo Sheegay Geeridiisa!!

Date:

Dhacdo lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka mucjisada ah ee Todobaadkan laga soo wariyey dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah mid ka dhacday Magaalada Cajmaan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta kadib markii nin dhalashadiisu ka soo jeeddo wadanka Hindiya oo lagu magacaabo Anshokandil Mustafa uu ku riyooday isaga oo Riyo ku arkay Malaga Nafta Qaadda ee Cazraa’iil saacado kooban kadibna geeriyooday. Wargeyska Al-Anbaa ee ka soo baxa wadanka Kuweyt oo arrinkan layaabka leh wax ka qoray ayaa sheegaya in Mustafa Anshokandil oo ah nin shaqaale ah oo ka hawl gala Naadi ka dhisan magaalada Cajmaan uu subaxnimadii uu soo toosay asaxaabtiisa uga sheekeeyey in uu habeenimadii ku riyooday Cazraa’iil oo soo boqday una sheegay in uu nafta ka qaadayo, kadibna uu asaxaabtiisii u dhiibtay kaadhkiisii aqoonsiga iyo Baasaaboorkiisii gaarka ahaa iyo waliba Moobilkiisii gacanta, mar alla markii uu dadkii u dhawaa sidaa ku war geliyey ee uu agabkaasi u dhiibayna uu dhulka ku dhacay laba daiiqadood kadibna naftii sidaa kaga baxday. Mid ka mid ah dadkii arrinkan goob joogga u ahaa ayaa wargeyska Al-Anbaa uga warramay sida Anshokandil Mustafa oo 56-jir ahi u geeriyooday ka horna qiso layaab leh uga sheekeeyey. Ninkan goob joogaha ah ee wargeyska Al-anbaa u warramayay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan: “Subaxnimo hore ayuu Mustafe Anshokandil sidii caadada noo ahayd noogu yimid goobtii aanu iska raaci jirnay marka aanu naadiga Cajmaan ee aanu u shaqayno tagayno. Anshokandil waxa uu ahaa nin sheeko badan oo aad saaxiibadii u jecel yihiin, aadna ugu wanaagsan diinta islaamka. Subaxnimadii Khamiistii dhawayd ayay ahayd markii goob aanu baska ka raaci jirnay uu noogu yimid. Wajigiisu aadbuu u jactadsanaa oo murugo iyo naxdin ayaa ka muuqatay iyo in aanu hurdo ku filan habeenkaasi soo seexan. Waxa aanu ahayn saddex nin oo kale, dhammaantayana waxa aanu wada ahayn rag meel ka wada shaqeeya. Anshokandil waxa uu sheekadii noogu bilaabay: “Waxaan xalay ku riyooday Malagii nafta qaadayay ee Cazraa’iil oo ii yimid. Kadibna waxa uu ii sheegay in uu nafta iga qaadayo. Naxdin darteed ayaan hurdadii ka soo booday dibna umaan gam’in”. Intaa markii uu nooga warramay ayaanu ku nidhi shaydaanka iska naar riyada wax walba waa lagu arkaaye. Balse Waxa uu noogu jawaabay: “Maya, xaalku sida aad moodaysaan ma ahee ii qabta Baasaaboorkayga oo ii haya, waxa kale oo aan idiin dhiibayaa Kaadhka Aqoonsiga (ID Card), iyo agab yaryar oo fudud sida Moobilkiisii Gacanta”. Markii aanu agabkii oo dhan ka wada qaadnay ee aanu isku diyaarinayno in aanu shaqo tagno ayuu ninkii Mustafe Anshokandil si kedis ah dhulka ugu dhacay. Qabashadii aanu tiigsanayna waxa aanu aragnay in aanu nafba dhul ula dhicin sidaasaanan booliska ku war gelinay meydkiisiina muddo kadib loogu aasay”. Wargeyska Al-anbaa ee arrintan ka faalloonayaa waxa uu intaasi ku daray in dadkii ninkan ka ag dhawaa ee ay saaxiibada ahaayeen u sheegeen in Mustafa Anshokandil uu ahaa nin Hindi ah oo Muslim ah aadna diinta ugu wanaagsan. Waxa kale oo ay wargeyska uga warrameen in subaxdii uu geeriyoon doono maalinimadii ka horraysay in uu dadkii saaxiibadii iyo dadkii ay jaarka ahaayeen u qaybiyey alaabo badan iyo cuntooyin u keydsanaa isaga oo dadkaasi u sheegay in ay noloshiisu dhamaad tahay oo uu u dhaw yahay in uu adduunka ka tago taasi oo dadkii asaxaabtiisa ahaa aad uga naxeen mid kastaana u sheegay in aanu mar dambe arinkaa ku hadal balse uu qof kasta oo uu arrinkaasi u sheego uu ku qoslayay oo uu ku lahaa geerida haka baqanina adiga oo ordaya ayaad dhiman kartaa.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...