Somaliland: Xisbiga Kulmiye Oo sheegay Inay Diyaar Uu yihiin Qabsoomida Doorasho Xor iyo Xalaal Ah

Date:

Xisbiga Talada Dalka hayaa ee Kulmiye ayaa sheegay inay diyaar uyihiin ka Xisbi ahaan inay tageeraan inay dalka ka dhacdo doorasho xor oo xalaala,maada xisbiga kulmiye hayo hogaanka dalka, Xisbiga Kulmiye oo kamid xisbiyada qadiimiga ah dalka Somaliland, ayaa tiroba dhowr jeer ku celceliyay inay tageerayaan inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaala, Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo khudbad ka jeediyay Munaasibad lagu daahfurey guddi loogu Magacdaray Guddida Xalinta Khilaafadka doorashooyinka, ayaa sheegay in Xisbi ahaan diyaar uyihiin inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo Xalaala oo ay majeertaan  Dalalka daneeya siyaasada Somaliland, waxaana usheegay in Xisbi ahaan Iyaga oo Daneeynayaa Arrimaha doorashooyinka dalka ay soo dhaweynayaan Guddida Cusub ee Xalinta Khilaafadka arrimaha doorashooyinka, si loo kobciyo Hanaanka iyo Siyaasada doorashooyinka Dalka, Maxamed Kaahin Axmed Gudoomiye ku Xigeenka kowaad ee Xisbiga Kulmiye waxaa kamid ah Hadaladiisi ‘’  Anaga oo Tixgelinayna, kor uqadaayna, Taabagelinta Arrimaha doorashooyinka, waxaanu Xisbi ahaan uu Aragnaa Guddidan la soosaraay inay kamid Tahay Arrimaha doorashooyinka iyo geedi socodka Iyo taabogelinta doorashooyinka, waxaanu uu Aragnaa markasta oo doorasho la galaayo inagaa oo ka cararaynaa in dhibaato dhacdo, in la dhiso guddiyo la shaqeeyo Komishanka doorashooyinka Qaranka ‘’

Maxamed Kaahin Axmed isaga oo hadaladiisa sii wataa waxaa Umada reer Somaliland Uga digay Khatarta ay leedahay Qabyaalada,isagaa oo ku tilmaamay cadawaga kowaad, ee dalka, waxaana Xisbiyada kale ee dalka usoo jeediyay inay tageeraan, Guddida Xaalinta Khilaafadka Doorashooyinka, oo sheegay kuwo Maamuuli doona Xisbiyada Somaliland ‘’ qoladaan Xisbiyada qaranka waxaa usheegay in Layna xukumaayo hadii ;laynaa xukumayaana Ma jirto cid la raaligelinayaa, marka waa inaynuu taas Ogsanaana, waxaa kale oo aan jecelahay inaan hoosta ka xariiqo oo Aan Umada reer Somaliland uga digo dhacdo iyo masiibo marwalba umadeena ku dhacdaa, waana qabyaalada, waxanaan arrintaas muddada doorashadu socota Eegi doona cidda ku dhaqmaysaa qoladaan Xeerbaagta ah ‘’ ayuu yidhi Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...