Wasiiro oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay saaka u baxaan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay shalay ka dhacday iska hor imaad u dhaxeeyey bulshada magaalada iyo ciidamada booliska isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Waxaana waftigan la sheegay inuu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),
Waxaana ujeedada socdaalkoodu daaran tahay sidii ay usoo xalin lahaayeen isla markaana wax uga soo ogaan laahayeen sababaha keentay shaqaaqo shalay ka dhacday magaalada laascaanood oo dhex martay ciidamada booliska Somaliland iyo bulshada magaalada isla markaana sababtay khasaaraha dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca tiro kale.
Waftigan uu hoggaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa la filaya inay saacadaha soo socda ka baxaan magaalada hargeysa,iyadda oo wararka magaalada laascaanood naga soo gaadhayaana ay sheegay in xubno xukuumadda Somaliland ka tirsan ay xalay gaadheen magaalada laascanood.