Waa Maxay Sababta Uu Jose Mourinho U Doonayo Inuu Antoine Griezmann Keeno Man United Xagaag Danbe?

Date:

Manchester United ayaa ku riyaaqday inay jabiso rikoorka suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana lagu waramayaa inay qorsheynayaan inay sidaasi oo kale sameeyaan sannadka soo socda.

Sida lagu qoray jariirada Sunday Mirror, Jose Mourinho ayaa ka dhigtay weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann bartilmaameedkiisa koowaad, waxa ayna United ka warqabaan inay u baahnaan doonaan inay bixiyaan lacag ka badan intii ay ka soo bixiyeen Paul Pogba xagaagan.

Laakiin waa maxay sababta uu Mourinho u doonayo Griezmann halkii uu ka cerysan lahaa xiddigaha kale ee waa weyn sida Gareth Bale iyo Neymar?

Sida ay sheegeyso Sunday Mirror tababaraha reer Portugal ayaa muddo dheer xiiseynayay xiddiga reer France oo ka soo bilaabata waqtigiisii Chelsea.

Mourinho ayaa la fahamsan yahay inuu isku dayay inuu Griezmann geeyo Stamford labo sannadood ka hor, laakiin waa uu ku guuldareystay inuu ka dhabeeyo sidaas.

Sababta ugu muhiimsan ee uu Mourinho u doonayo inuu Griezmann yimaado Old Trafford ayaa lagu sheegay inuu aaminsan yahay in xiddiga Atletico Madrid uu wacdarro ka dhigi karo horyaalka Premier League.

Waxaa jiray walaac laga qabo in Griezmann uusan laheyn jir ku haboon kubada cagta Ingariiska, laakiin Mourinho ayaan u arkin taas sabab weyn oo uusan xiddigaan ku imaan karin horyaalka Ingariiska, isagoo ay ka dhaadhacsan tahay in qaabkiisa kubadeed uu ku noqon karo mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn horyaalka Premier League.

Riyad Mahrez ayaana cadeyn u ah in ciyaartoyda jirka yar inay ku najixi karaan horyaalka Premier League iyadoo xiddiga Algeria uu ka dhex muuqday horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkii hore, taasoo Mourinho siineysa rajada ah in Griezmann uu isna la mid noqon doono.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...