Muuqaalka Askari Yuhuudi Ah Oo Ay Aad Isugu Egyihiin Laacibka Messi Oo Qabsaday Internetka Iyo Messi Laftiisa Oo Ka Hadlay Arrintan

Date:

Kadib markii Salaasadii Todobaadkan baraha xidhiidhka dadweynaha ee Facebook iyo twitter lagu baahiyey sawiro askari Yuhuudi ah oo muuqaal ahaan aad ugu eg xiddiga caanka ah ee xulka qaranka Argentine iyo kooxda kubadda cagta wadanka Spain ee Barcelona ayay isa soo tarayaan xiisaha ka dhashay arrinkaasi. Faalooyinka iyo falanqaynta ka dhalatay sawirkaasi muujinaya askariga Yuhuudiga ah ee ku sugan magaalada Khaliil ee wadanka Falastiin ayaa keentay in doodo badani ka dhashaan.

Warbiixntan oo shabakadda tusmoonline.com idiin soo turjuntay waxa ay leedahay Sawirada askarigan ayaa muujinaya in uu yahay nin aad muuqaal ahaan ugu eg xiddiga dunida ugu caansan wakhtigan ee Messi waxaanay kumanaan qof oo sawirkaasi faallo ka bixiyey ku tilmaameen in hoos u dhicii Messi ka muuqday kulankii Real Madrid ay sabab u ahayd isaga oo niyaddiisu ku maqnayd hadal haynta badan ee ka dhalatay sawirkaasi muujinaya askariga yuhuudiga ah ee ay isku eg yihiin. Muuqaalka sawirkaasi bixiyey ee isu ekaanshaha askarigan Yuhuudiga ah iyo Messi ayaa in badani ka dhiibatay fikir ah in Messi ka soo jeedo Yuhuudda arrintaasi oo aad uga cadhaysiisay Messi laftiisa oo aan qarsan ka jawaabidda dooddaasi waxaanu boggiisa Twitter ee gaarka ah ku qoray hadal u dhignaa sidan: “Waa wax laga xumaado in dad badani muuqaalka sawirkaasi ku tilmaameen in aan ka soo jeedo Israel. Taasi waa dhaleecayn iyo in la duudsiyey xuquuqdayda dhalasho, muran kama taagna in aan ahay Argentinean”. Askrigan Yuhuudiga ah ayaa ka tirsan guuto ciidanka Milatariga Israel ah oo ku sugan saldhig ku yaalla magaalada Khaliil ee daanta galbeed ee arlada reer Falastiin.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...