Somaliland: “Midnimadii Somaliland Iyo Somaliya Waxa 1977 Qaribay Siyaad Barre, Waxaana Sannadkan 2016 Sii Baabi’iyay Xasan Sheekh”

Date:

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa tilmaamay in Maxamed Siyaad Barre uu sannadkii 1977 qaribay midnimada Somaliland iyo Somaliya ee lixdankii, islamarkaana uu Madaxweynaha hadda ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud sannadkan 2016 sii aasay.

Prof Buubaa, ayaa qoraalo uu baahiyay, wuxuu kaloo ku sheegay in madaxbanaani buuxda oo ay Somaliland heshaa faa’iido u tahay dalalka Kenya, Djibouti iyo Itoobiya islamarkaana ay kor u qaadayso ammaanka iyo degenaanshaha gobalka Geeska Afrika, “Midnimadii lixdankii ee Somaliland iyo Somaliya waxa qaribay Siyaad Barre sannadkii 1977, waxaana sannadkan 2016 sii baabiiyay Xasan Sheekh Maxamuud.” ayuu yidhi Buubaa.

Isagoo ka hadlaya faa’iidada aqoonsiga Somaliland u leeyahay gobalka Geeska Afrika, wuxuu yidhi  “Kenya, Itoobiya iyo Djibouti dhammaantood way ka faa’iidi doonaan aqoonsiga Somaliland, nabadgelyada iyo amniga gobalkuna wuu si wanaagsanaan doonaa.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Prof Buubaa yidhi “Madaxbanaani sharci ah oo Somaliland la siiyaa waxay xal u noqon doontaa caqabadaha siyaasadeed ee horyaala nabad ka dhex aslaaxda dalalka gobalka Geeska Afrika.”

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...