Somaliland: Suldaan Wabar Oo Durbaan Colaadeed U Garaacay Salaadiinta iyo Dhallinyarada Beeshiisa, Jawaabta Suldaan Sabayse Iyo Saamaynta Dhawaaqyada Beelaysan Ku Yeelan Karaan Qaranimada

Date:

“Dhallinyarada Waxaan U Sheegayaa Diyaar-garooba, Odayaashana Waxaan leeyahay Dhibi Ma Jirtee Anagaa Idiin Maqane Diyaar Ahaada…” Suldaan Wabar

“Reer Awdaloow Somaliland Waad ku Faa’iideen 25-kaas Sano ee Ay Jirtay Ee Haddii Aad Gambiyaysaan Ugu Dhakhsada Haddii Kalena Dadkiina Wax La Qabsada” Suldaan Sabayse

Suldaanka falaagada ah ee Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar ayaa muuqaal uu soo duubay isagoo buuraha ku jira durbaan colaadeed u tumay salaadiinta iyo dhallinyarada beeshiisa oo uu ugu baaqay inay dagaal u diyaar garoobaan .

Suldaan Wabar oo ka mid ah madax dhaqameedkii gobolka Awdal balse muddooyinkii u dambeeyey noqday hogaamiyaha fallaago buuro galeen ah oo isu taagtay khal-khal galintay amniga qaranka ayaa muuqaalkiisan u dambeeyey ku sheegay inuu diyaar u yahay inuu difaaco dhulka la isku hayo ee waqooyiga Hargeysa isla markaana waxa uu muranka dhulkaas ku tilmaamay mid ay beesha Isaaq ku boobayso dhulka beelaha gobolka Awdal.

Suldaan Wabar ayaa qaybo badan oo hadalkiisa ka mid ah si jilicsan u aflagaadeeyey qaar ka mid ah beelaha Somaliland gaar ahaan beesha dhexe oo uu sheegay inay tahay qaar marwalba u taagan fidmo abuur iyo colaad ay u gaystaan dariska, isagoo beesha Isaaq ku tilmaamay dad sidii dagaaladii looga soo noqday aan miyirsan.

Isagoo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“adigoo ilaahay ku badiyey oo dhul ku siiyey oo xoolo ku siiyey cid kaa yar oo kaa gar daran  waxaad uga calaacasho oo aad ku shahiidi waydo ilaahay kuu wuu qabsanayaa, dhallinyarta waxaan u sheegayaa diyaar garooba odayaashana waxaan u sheegaya anaga ayaa idiin maqan dhibina ma jirtee ha calaacalinee goorta aanu idiin yeedhno diyaar garooba dhamaantiin salaadiinta, nimanka siyaasiyiinta ah ee Hargeysa inaga joogaa waa saddex qaybood, kuwo waa dhaxal sugayaal haddii ay kuwoodaas wax ka dhintaan ayay sugayaan oo fayl ayay la wareegayaan, kuwo kalena wasiirada F-ta la yidhaahdo ee aan lacagta lahayn ayay joogaan oo iyagu waa shaqaale, qolada saddexaadna waxa weeye kuwa la doortay ee qaarna guurtida yihiin qaarna baarlamaanka yihiin shacabka ayay ka wakiil yihiin oo waa la soo doortay cidna ma eryi karto oo cod ayay meesha ku joogaan kuwaasina waa dambiilayaal, ninbaa dadka u hadli jiray oo nin wanaagsan ahaa laakiin isaguna waagii dambe wuu aamusay markii uu ragga wehel ka waayay wuuna soo dur-durin waayay oo nagu soo biiri waayay goortii aanu buurta galnay Axmed Yaasina soo gurmo baan leeyahay, dhimashadu waxay ku fiican tahay adigoo dhulkaaga iyo qoyskaaga iyo dumarkaaga difaacaya inaad dhimato baqdin ayaa idinka badatay baqdinta ilaawa Lughaya-na lama qaadan karo rageedii way joogaan janano ayaa u jooga oo dhallinyaro ayaa u joogta oo ragga iyo gabdhuhuba way ii koreen”.

Suldaankan falaagoobay ayaad moodaa inuu kaa faa’iidaysanayo muranka dhul ee u dhexeeya gobolada Maroodi-jeex iyo Awdal maadaama uu wax taageero ah ka waayay deegaanka uu ka soo jeedo halkas oo ay iminka isaga iyo dhawr qof kale ku sugan yihiin buuraha.

Xukuumadda Somaliland ayaa illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin Suldaan Wabar oo marar badan isku dayay inuu wax u dhimo qaranimada Somaliland waxaanay markii hore isku dayday inay waan waan iyo maslaxad ku soo xero galiso balse may suurogalin oo muddo yar kadib muuqaal uu soo duubay ayuu ku sheegay inuu dagaal diyaar u yahay.

Geesta kale Suldaan Mawliid Sabayse oo ka mid ah salaadiinta beesha Habar Awal gaar ahaana suldaanka beesha Sacad Muuse ayaa ku dooday inay xukuumaddu ku saxan tahay bilawga diiwaangalinta lixda goobood waxaana uu hadalo hanjabaad u badan hawada u mariyey madax dhaqameekda beelaha gobolka Awdal oo uu sheegay inay ku faa’iideen Somaliland-nimada isla markaana loo baahan yahay in nin waliba xuduudkiisa ku egaado, Suldaan Mawliid Sabayso oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Xukuumadda waxaan leeyahay gobolka Maroodi-jeex lixdii goobood ka xayirnaa gayntaad aad gaynaysaan waad ku mahadsan tihiin waana aanu idinku garab taaganahay, lixdan goobood waa deegaankayagii weeye waa nasiib darro habeen walba in TV-ga rag salaadiin iyo odayaal ahi intay soo fadhiistaan ay lixdii goobood ee Maroodi-jeex ka xayirnaa ay yidhaahdaan dagaalbaa ka dhici iyo colaadbaa ka dhici, waxaan leeyahay reer Awdaloow Somaliland waad ku faa’iideen rabashka yaraysta ilmaadeerayaal habeen walba Tv-ga ayaad fadhidaan suldaana Tv-ga waa looga wanaagsan yahay colaad inuu abaabulo waa looga wanaagsan yahay, qolada Ciise-na waxaan leeyahay anagu Saylac idinkumaanan qabsan xuduudeenana waad garanaysaan ciisoow nimankaasn reer Awdal idinka kiciyey halkoodii inagaga celiya inagu dad is dhalay oo isku deegaan ah oo is dhex daaqa ayaynu ahayn xuduudeenuna laanta cawda ayay ahayd waad garanaysaan maanta Ceel Sheekh ayaanu ku dagaalami dawladina idinka yeeli mayso umaddii dhulka lahaydna idinka yeeli mayso, Ciisoow niman reer Binu Axmed ah ayaad ahaydeen oo wax gaar ah ayaa inaga dhexeeyey laakiin  nimankas reer Awdal baroortoodu orgiga way ka wayn tahay oo waxaanay lahayn bay deydayaan, suldaanka aanu abtiga u nahay ee habeen walba Tv-a taagan ee caytamaya  ee hayaay ka kaacayda haya waxaan leeyahay Abti waxaa la yidhi meesha madaxaagu ka soo jeedo iyo meesha maankaagu ku sii jeedo mid laguma dheereeyo colaadda aad afuufayso dhulka dhig baanu leenahay, nin waliba dhulkiisa wuu yaqaana ilmaadeerayaal 25-kaas sano ee ay Somaliland jirtay waad ku faa’iideene haddii aad gambiyaysaan ugu dhakhsada haddii kalena dadkiina wax la qabsada”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...