Kooxaha Manchester City iyo Sevilla ayaa ka heshiiyay in xidiga ree France ee Samir Nasri uu ku biiro kooxda ree Spain ee Sevilla. Samir Nasri ayaa heshiis amaah hal xili ciyaareed ah ugu biiraya kooxda Sevilla. Samir Nasri ayaan qayb ka ahayn qorshaha Pep Guardi0la ee Etihad Stadium, wuxuuna barri oo uu suuqa kala iibsigu xidhmayo uu ku biiri doonaa kooxda Sevilla.
Samir Nasri ayaa buuxin doona booska Yevhen Konoplyanka kaas oo ku biiray kooxda Schale 04 iyada oo tababare Jorge Sampaoli uu doortay in Samir Nasri uu kala soo wareego kooxda Manchester City. 29 jirkan ayaa subaxda oo arbaco ah tijaabada caafimaadka u mari doona Sevilla ka hor inta aanu saxiixin heshiiska amaahda ah ee uu xili ciyaareedkan ugu maqnaan doono Sanchez Pizjuan.
Samir Nasri ayaa waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Olympique Marseille ka hor intii aanu Arsenal ku soo biirin balse sanadkii 2011 kii ayuu lacag qaali ahayd ugu biiray kooxda Manchester City ee uu amaahda kaga baxayo. Nasri ayaa 171 kulan u soo ciyaaray Sky Blues.