Wargeyska The Times Oo Kashifay Sida Uu Mustaqbalka Unai Emery Ee Arsenal U Dhamaaday & Shaqsiga Badalaya Oo Doonaya Inuu La Hadlo Maamulka Gunners.

Date:

Unai Emery waxaa loo badinayaa inuu noqon doono macalinka xiga ee laga ceyrin doono kooxaha Premier League, waxaana isi soo taraya wararka laga baahinayo arrinta ku saabsan mustaqbalkiisa.

Warar laga helayo Ingiriiska ayaa sheegaya in macalinkii badali lahaa Unai Emery uu doonayo inuu wadahadalo la bilaabo maamulka Gunners, waana caawiyaha kooxda Man City Mikel Arteta kaas oo sanadkii 2018 ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu cad-cadaa iney badalaan Arsene Wenger.

Arteta oo ku sugnaa Emirates Stadium intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2016, ayaa ku najaxay mudada uu ka hoos shaqeynayo tababare Guardiola, waxaana loo aaminsan yahay inuu ka mid yahay furayaasha dhaqaajiya kooxda muwaadiniinta ee labada jeer ee xiriirka ah ku guuleystay horyaalka Premier League.

Arsenal dhibaato weyn ayaa soo wajahday fasal ciyaareedkaan iyagoo suuqa si ka fiican sanadahii hore uga soo adeegtay, waxeyna ku fashilmeen iney guul gaaraan lixdii ciyaarood ee ugu dambeysay dhamaan tartamada oo dhan.

Emery waxaa saaran cadaadis weyn, dhawaan ayey aheyd markii maamulka ay bayaan ku taageereen, balse sidoo kale waxaa jiray warar gadaal kasoo baxay oo sheegaya in macalinka reer Spain afar kulan oo guulo ah looga fadhiya hadii uu rabo inuu shaqada sii wato, kulankii ugu horreeyayna wuxuu 2-2 la galay Southampton.

Wargeyska The Times ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in Mikel Arteta uu doonayo inuu la hadlo maamulka Gunners, wuxuuna diyaar u yahay inuu badalo Unai Emery oo lumiyay kalsoonida taageerayaasha iyo ciyaartoyda.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in maamulka Arsenal ay xiiseynayaan iney la hadlaan Massimiliano Allegri, kaas oo shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu isaga tagay shaqada kooxda Juventus dhamaadka fasalkii lasoo dhaafay.

“Kooxda wey i taageereysaa maalin walba, sidoo kalana aniga ayaa masuuliyadda qaadaya” ayuu yiri Unai Emery kadib barbarahii ay todobaadkaan la galeen kooxda Southampton.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...