Somaliland: Khilaafka U Dhexeeya Xukuumadda Iyo Madax-dhaqameedka Awdal Oo Cirka Isku Shareeray

Date:

“Waxaa La Idin Farayaa Inaad Hirgalisaan Diiwaangalinta iyo Dhigista Sanaadiiqda Lixdaas Goobood” Xukuumadda Somaliland.

“Dadka Awdal Waxaad U Qaadateen Dad Seenyo Leh, Beelaha Qaarkooda Waa La Baryaa Anagana Waa Naloo Hanjabayay” Madaxda Dhaqanka Galbeedka Somaliland

Dood iyo muran xoogan oo u dhaxaysa xukuumadda Somaliland iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Awdal oo ku saabsan qabsoomidda diiwaangalinta ee lixda goobood ee waqooyiga Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay wareegto ay ku adkaynayso qabsoomidda diiwaangalinta ee lixdaas goobood iyadoo ay xukuumaddu shardi uga dhigtay in doorashada Madaxtooyada oo kali ah loo isticmaali doono codadka ka soo baxa lixdaasi goobood.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa warbaahinta u akhriyey qaar ka mid ah qodobada ay wareegtadani xabmaarsan tahay waxaana uu yidhi:

Codadka diiwaangalinta waxaa loo isticmaalayaa doorashada Madaxwaynaha oo kaliya ee looma isticmaalayo deegaanka iyo wakiilada.

Inaan laga galin doonin doorashada baarlamaanka illaa inta go’aan cad laga gaadhayo halka ay raaci doonaan.

Ciidanka booliska waxaa lagu wargalinayaa inay ilaaliyaan nabadgalayada isla markaana ka gutaan waajibaadkooda qaran mudada ay diiwaangalintu ka socoto lixdaas goobood.

Hadaba waxaa la idin farayaa inaad hirgalisaan iyo dhigista sanaadiiqda lixdaas goobood ee kala ah: Hulka, Ceel Sheekh, Cabdi Geedi, Ceel La Helay, bilfaanley iyo damasha”.

Geesta kale odayaasha dhaqanka ee gobolada Awdal iyo Selel ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid ay aad uga xun yihiin oo aanay qaadan karin waxaanay sheegeen inay dawladdu ixtiraamto rabitaanka shacbiga.

Suldaan Ibraahin Dhawal oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolada galbeedka ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirudawlaha wasaaradda arrimaha gudaha oo sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonto ciddii ka hadasha arrimaha diiwaangalinta xlidaas goobood waxaana uu yidhi:

“Hadalkii ka soo yeedhay wasiiru dawlaha amniga ee ahaa in gacan bir ah lagu qaban doono cidii ka hor timaado lagama filayn taasina waxay ina xasuusinaysaa talisyadii hore ee odhan jiray qasab ayaanu wax ku wadaynaa, xukuumadda waxaanu leenahay umadda qasabka halaga daayo umadaasi waxay doonayso waa in loo yeelaa goobahaas dadka degen waxay doonayaan, waa in la tixgaliyaa waa in cagao juglaynta iyo hanjabaadda laga daayaa, dadwaynaha wax aanay doonayn yaan lagu dirqiyin haddii kale waxyaabe kale ayaa dhici doona”.

Salaadiinta oo hadalkooda sii wata ayaa waxa uu yidhi :

“Dadka gobolkan waxaad u qaadateen dad seenyo leh oo aan geeso lahayn waar ka daaya malaha nafo ayuu ilaahay ku bixinayaaye, sharciyaddii waad dhaafteen dawladnimadii waad dhaafteen, beelaha qaarna waa la baryaa oo walaalahayoow ayaa la yidhaahdaa anagana shalay waa naloo hanjabayay. Waxaanu leenahay gobolkani waa gobolkii Somaliland lagaga dhawaaqay meeshaasina waa xasaasi halaga daayo”.

Si kastaba ha ahaatee ismaandhaafta salaadiinta iyo xukuumadda ayaan la garanayn halka uu ku dambayn doono iyadoo la filayo inay diiwaangalintu ka bilaabanto bisha saddexaad.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...