Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan ayaa si adag uga hadlay go’aanka Xukuumaddu ka gaadhay Diiwaangalinta Lixda gobeed ee Waqooyiga Hargeisa.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadka deegandaasi degani ay xaq u leeyihiin in ay ka qeyb qaatan doorasho kasta oo ka dhacdey Somaliland.
Gudoomiyuhu waxaa uu xukuumda ku eedeeyey in aanay xaq u laheyn in ay go,aan kaligeed ka gaadho arintaasi balse ay haboon tahay in layskugu yeedho dadka ay arintani khuseyso waxaana uu yidhi
“Xukuumada Somaliland waxaa waajib ku ah in aanay go,aan kaligeed qaadan ee layskugu yeedho dadka ay arintani khuseyso oo dhan , waajib na waan u aragna in dadkaasi xaqoodii dastuuriga ahaa helaan.
Waana in xukuumadu Lixdaas goobood ay raaciso gobol iyada oo u eegaysa Dastuurka iyo taariikhdii ka Horeysay ee 1960, hadii ay arintaasi xukuumadu kaligeed go,aan ka gaadhey waxaan u arkaa in aanu aheyn mid sax ah.
Dadkaas waa in xaqoodii la siiya dhulkaasna waa in meeshii ku haboon la raaciyaa talo mideysana laga yeesha ” ayuu yidhi gudomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro