Somaliland: UNICEF Oo Hargeysa Ku Qabatay Shir Bah-Dil Ku Ah Qaddiyadda Somaliland Oo Ay Ka Qayb Galeen Dad Ka Socday Gobolada Dalka Soomaaliya, Xubnihii Somaliland Uga Qayb Galayna Ku Fadhiisiyey Magaca Gobolka Woqooyi Galbeed

Date:

Xubno Ka Socday Waxbarashada Somaliland Oo Ka Dareeray Shirka Markii Lagu Wargeliyey In Gobolka Woqooyi Galbeed Fadhiyo Shirka + Xukuumadda Oo Aan Ka Hadal

Shir saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF xafiiskeeda Somalia/Somaliland ayaa waxa uu dhaawac weyn soo gaadhsiiyey qaddiyadda Madax Bannaanida Somaliland kadib markii si weyn loogu bah-dilay shirkaasi meeqaamkii Somaliland, kana dhigay maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah.
Shirkan oo ku aaddanaa Mashruuca loo yaqaano WASH oo saameeya dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Nadaafadda Biyaha ayaa waxa hay’adda UNICEF ay si rasmi ah shirkan ugu qabatay Gobolada dalkaasi Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland oo ay si badheedh ah ugu soo casuumeen in ay kaga qayb gasho gobol Soomaaliya ka mid ah iyada oo ay shirka soo cammireen xubno ka kala socda Gobolada dalkaasi Soomaaliya oo ku kala abtirsada saddexdaa eeriyo ee mashruucani ku saabsanaa.
Sida Wargeyska FOORE ku helay xogo shirkan ku saabsan waxa dhacday in maalintii shirkaasi furmay oo ahayd dorraad Salaasadii, markii la xaadirinayay ka qayb galayaasha in qaddar is af garan waa ahi ka dhacay kadib markii masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolada dalka laga hor joogsaday in ay shirkaasi ka qayb galaan iyada oo saraakiisha shirka wadday ee UNICEF ku war geliyeen in shirka ay fadhiyaan dad wasaaradda waxbarashada ka socda oo Hargeysa ka soo galay sidaa darteed ay Somaliland iyagu matalayaan oo ay u qaateen gobol ahaan Woqooyi Galbeed wixii loo yaqaanay taasoo keentay in ka qayb galayaashaasi waxbarashada ka socday isaga soo dareeraan shirkii dacwadna u gudbiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, balse ay shirkaasi fadhiyeen xubno ka socday wasaaradaha Caafimaadka iyo Biyuhu.
Illaa imika xukuumaddu wax tallaabo ah kama ay qaadin shirkaasi oo sidiisii caadiga ahayd isaga socday wakhtigii loogu tala galay lana filayo in uu maanta soo gabagaboobo.
Inkasta oo intii ay Somaliland jirtay mashaariicda Hay’adaha qaramada Midoobay ee ku aaddan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya ahaa mid lagu saleeyo saddexda qaybood ee kala ah Somaliland, Puntland iyo Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya (South and Central), haddana kani waxa uu u muuqday mid wakhtigan si wanaagsan ula jaanqaadaya hannaanka ay u shaqayso ama ay Somaliland ku sheegato maamulka Magaalada Muqdisho wakhti dalkaasi Soomaaliya uu shalay oo ugu dambaysay ka hadlayay in Somaliland ka mid tahay golayaasha ay dhisanayaan.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo markii ay talada dalka timid waxa si weyn hoos ugu dhacay meeqaankii kala xaddaysnaa ee ay Somaliland kaga xuub siibatay sheegashada dalkaasi Soomaaliya kadib wada hadaladii ay la furtay oo keenay doc faruur yasid ah oo dhinacyo badan ka dhaawacaya qaddiyadda dalka. Xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa in ay caddayso shirkan Hay;adda UNICEF ku qabatay caasimadda Hargeysa ee sida weyn uga soo hor jeeday qaddiyadda Somaliland iyada oo aan la ogayn sababta keentay in dadkii laga soo casuumay wasaaradaha Somaliland qaarna dhex fadhiyeen shirkaasi qaar kalena ka soo yaaceen.
Qaar ka mid ah xafiiska UNICEF ee Hargeysa oo aannu xalay khadka taleefanka kula xidhiidhnay ayaa noo sheegay in uu shirkaasi jiray balse aanay iyagu shuqul ku lahayn, kana gaabsaday in ay faahfaahin ka bixiyaan, sidoo kalena ka gaabsaday in ay na siiyaan taleefanada ciddii hawshaasi u qaabilsanayd oo aanu doonaynay in aannu wax ka waydiino arrinka shirkan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...