Somaliland: Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Dacwadda Maamulka Muqdisho U Gudbisay Turkiga Ee La Xidhiidha Basaaboorka Somaliland

Date:

Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa ka jawaabay dacwad ay dawladda Somaliya u gudbisay Turkiga oo ay ku dacwaysay qunsulka Turkiga ee Hargeysa oo sheegay in Turkiga lagu tagayo Baasaaboorka JSL.

Wasiir-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Axmed-kayse Aadan Ismaaciil iyo guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa talaabada dawladda Somaliya ku tilmaamay inay ka mid tahay talaabooyinka cadawnimada ah ee ay ku hayaan JSL.

“Wasaaradaas arrimaha dibadda Somaliya  dacwadaas ay qunsulka Turkiga ka qortay ee daba socday hadalkii ahaa basaboorka Somaliland ayaanu Visa ku bixinaa, waxaan ka arkay saxaafadda,  laakiin haddii ay jirto waa nasiib darrooyinka waaweyn ee ay dawladda Xasan Sheekh ka taliyaa ku kacdo.” ayuu yidhi wasiir xigeenku

Wasiirku intaas wuxuu raaciyay “Markaas waxay ka mid tahay in maanta Somaliland oo basaboorkeeda ku safartaa ay iyagu afka ka sheegtaan inay doonayso inay go’doon siyaasadeed ku rido, waxaanay ka mid tahay xeeladaha ay ku doonayaan inaanay Somaliland la macaamilin adduunka.”

Wasiirka oo sidoo kale u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Star TV, ayaa yidhi “Somaliya waxaad moodaa inay la waasheen xaasidnimada Somaliland, halkay iyagu dawlad iyo xukuumad shaqaysa samaysan lahaayeen ayaa waxay keeneen inay xaasidnimo ka shaqeeyaan. Markaas iyagu dawlad shaqaysa ha samaystaan markaas ayay wax ka sheegi karayaan, laakiin xaasidnimada ah lama caawin karo, basaboorkaooda laguma tagi karo ayay ka dhammaan waayeen. Laakiin baasaaboorka Somaliland dalal badan ayaa lagu tagaa, laguna tagi jiray.”

Geesta kale, guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo isna waraysi gaar ah siiyay wargeyska Geeska Afrika, ayaa ka hadlay mawduucan “Dawlad jirta ayaa wax gudbisa ee tuugo meel iskugu tagtay oo magaca Somaliya wax ku cunaysa waxna aan qabanaynin oo qabyaalad ku fadhiya oo is wada xaasidaya oo inagana cadawgeena ah oo aan horumarkeena iyo dedaalkeena aan raali ka ahayn wax alaale wax ay inaga qaadayaan ma jirto, dacwadana mid wax u taraysa oo laga yeelayo Turkiguna uu ka qaadanayo maaha, Somaliland iyo Turkigu xidhiidh bay lahaan jireen ilaa qarnigii 17aad, markaas dawlad aan jirin waxba ka qaadan mayaan.” sidaas ayuu yidhi Faysal

Waxana uu intaas raaciyay “Maalin walba waxa inoo muuqanaya xaasidnimada calool xumada iyo xigdiqa nimankaas Somaliya ee isku sheegaya inay Dawlad yihiin, waxaan leeyahay Shacabka Somaliya waa Shacab aanu halgankii wada galnay oo aanu wada ridnay dawladii Siyaad Barre, wanaag baa naga dhexeeya, ee waxaan leeyahay nimankaas sida khaldan xukunka u yimid Somaliland waa qaran, oo waa dawlad oo waa dal ee ha ku daalina, niyadana ka saara.

Eng: Faysal Cali Waraabe mar uu ka hadlaayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa yidhi “Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Cabdisalaan oo ka soo jeeda Somaliland, oo ah nin aanu saaxib ahaan jirnay oo aanu meel ku soo wada kornay waxa uu dheeraaday Wasiiraddii Arrimaha Dibadda ee Somaliya soo maray, nacayb uu neceb yahay Somaliland oo xitaa iyagii ayaa la yaaban”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...