Somaliland: Mujaahid Madaxwaynaha ugu Baaqay inuu Qabto Shir Qaran oo lagaga Wada hadlo Saami Qaysiga Dawladnimada Somaliland

Date:

Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac,  ayaa madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu shir qaran oo loo dhanyahay iskugu yeedho dhamaan shacabka Somaliland Guddo iyo dibadba.

Mujaahid Guurre,  waxaa uu sheegay in dalku u baahanyahay in la is wareysto halka loo socda iyo meesha la marayo islamarkaana si isku mid ah loo qaybsado dawladnimada Somaliland.

“ Waxaynu u baahanahay Odey dadka iskugu yeedha oo  isagu inna hogaamiya, shirwayne qaran qabta,  mashaakilka dalka yaala yidhaahda sidee dawladnimadu inoo deeqaysaa? Maxaynu ku heshiinaa? Halkee ayaynu maraynaa?”ayuu yidhi Xasan Guure oo maanta wareysi Khaasa siiyay HCTV .

Guddoomiyaha Madashu waxaa kale oo uu sheegay in si mideysan loosoo dhaweeyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo oo la sheegay inuu Somaliland Imanayo.

“Madaxwayne Siilaanyo hadduu maanta ku guuleyso shirkaasi oo odeygii Cali Khaliifna Madal balaadhan lagu wada hadlo waxaa uu baal dahab ah ka galayaa Taariikhda” ayuu yidhi Xasan Guure waxaa uu intaasi ku daray oo uu ka hadlay Aas qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Janaral Maxamed Cali Samatar waxaanu yidhi

“Maxamed Cali Samatar laga hadlayo Shakhsiyadiisa, ee xilka uu hayay waa ninkii kaliya ee qirtay inuu amarka bixiyay, Calanka Soomaaliyeed ee lagu da’day maydkiisa waxaa uu muujinayaa maantana ii kaalay aan sidii shalay kugu sameeyee”

Xasan Guure Jaamac waxaa uu ka mid yahay Mujaahidiin SNM imikana waxaa uu guddoomiye ka yahay Urur la baxay madasha wadatashiga iyo Toosinta qaranka oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM balse Ururkaasi  xukuummada Somaliland si wayn ayay  uga soo horjeedsatay markii lagu dhawaaqay, iyadoo sheegtay inaanu sharcigu ogoleyn.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...