Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradaasi ayaa sheegay inuu waxqabad wanaagsan ka haw gali doono gobolada Barriga Somaliland.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in Maayirada iyo badhasaabada gobolada Somaliland lagala xisaabtami doono sida ay shaqada u kala leeyihiin.

 “Markaan gobolada Barriga u badiyo ha odhanin ninku reerkiisii ayuu kor u qaaday oo uu meeshii keenay”ayuu yidhi Wasiir Faratoon waxaanu intaasi ku ladhey “Badhasaabada iyo Maayirada Gobolladu Protocol ayay kala leeyihiin waana laba xubnood oo isku tiirsan waxaan filayaa inaanu wada shaqeyn doono.”

 Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayaa gabagabadii u mahadnaqay wasiirkii hore ee wasaaradaasi iyo dhamaan shaqaalaha arrimaha gudaha oo kusoo dhaweeyay xilka madaxwayne Siilaanyo usoo magacaabay.