Somaliland: Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Diiwaangalinta Gobolka Sool

Date:

Hargeysa (Wargane)-Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay Diiwaangelinta Gobolka Sool iyo qaabka ay u socoto, waxaanu sheegay inay ilaa hadda si wacan u socoto

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyey xilka loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Guddaha oo ah masuul ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaanu sheegay in xilalka iyo jagooyinka loo siman yahay, waxaanu yidhi “Diiwaangelintii Gobolka Sool si fiican bay uga socota oo dadku si fiican bay isku diiwaangeliyaan, inay sidaas ku sii socotana waan ku rajo weynahay”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiiladu mar uu ka hadlay xilka Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee loo magacaabay masuul ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa yidhi “Ninkasta ama qof kasta oo reer Somaliland ahi xaq buu u leeyahay inuu qabto jago walba waxa uu qof kastana xaq u leeyaha inuu Madaxweyne noqdo, Madaxweyne ku xigeen noqdo, Wasiirka Arrimaha Guddaha noqdo, waana soo dhaweeynayaa in markii ugu horeeysay uu noqdo Wasiirka Arrimaha Guddaha masuul ka soo jeeda Gobolka Sool”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada mar uu ka hadlay codsigii ay Somaliland ku dalbanayeen aqoonsiga ayaa yidhi “Waa arin fiican inay Bulshada reer Somaliland caalamka ka dalbadaan aqoonsi, waana waxaynu u baahan nahay in qof kasta oo reer Somaliland ah meel kasta oo uu joogo aynu ka wada hawlgano ictiraaf raadinta Somaliland”.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiiladu waxa uu soo dhaweeyey wada hadalad Somaliland iyo Khatumo oo uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in wada hadaladaasi ku dhammaadaan guul iyo is fahan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...