Somaliland: Dr. Sacad Oo Al-Azhar Ka Codsaday Inay Somaliland Ka Taageerto Waxbarashada Iyo Jawaabta Azhar

Date:

Qaahira (Wargane)- Degelka wararka ee rasmiga ah ee Al-Azhar iyo qaar ka mid ah warbaahinta caanka ah ee dalka Masar ayaa maalintii shalay warar ay ka baahiyeen booqashada uu labadii maalmood ee u dambeeyey u dambeeyey magaalada Qaahira ee xarunta Masar ku joogay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Mudane Sacad Cali Shire, waxa ay ku warrantay in wasiirku uu maalintii shalay la kulmay ku-xieenka xoghayaha Al-Azhar Dr. Cabbaas Shuman, oo ay ka wada  hadleen iskaashiga dhinaca waxbarashada iyo faafinta diinta ee dhex mari kara Azhar iyo Somaliland.

War ay kulankan kadib faafisay Al-Azhar, ayaa lagu sheegay in xoghaye xigeenka Al-Azhar uu dalabka waftiga Somaliland kaga jawaabay, in uu u xaqiijiyey in Azhar ay taageerto guud ahaan Soomaaliya, laakiin haddana uu u muujiyey in diyaar uu u yahay in uu dhinaca deeqaha waxbarasho ka taageero Somaliland, isla markaana in culimo ay u soo diraan Somaliland iyo in ay tababar siiyaan dadka diinta Islaamka faafiya iyo culimada Somaliland. Waxa aanu wakiilka Al-Azhar intaas ugu daray waftiga Somaliland in waxyaabahaas uu sheegay in ay ka caawinayaan ay qayb ka yihiin tababarrada kallaha ah ee ay Al-Azhar fuliso iyada oo soo dhex maraysa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...