Wafti uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo safar aan hore loo shaacin ugu baxay dalka masar ayaa gaadhay maagalada Qaahira ee caasimadda dalka masar.
Wasiirka arimaha dibada ayaa waxa waftigan uu hogaaminayo kamid ah danjiraha Yamen u fadhiya Somaliland Danjre Cali Maxamed Ilkacase ,agaasimaha waaxda siyaasadda ee arimaha dibadda Cabdiqani Axmed Xasan,iyo madaxa qaybta bariga dhexe Fahmi Maxamed Qaasim.
Waxaana waftigani martiqaad rasmi ah ka heleen dawlada masar,waxaana madaarka magaalada qaahir kusoo dhaweeyey saraakiil sar sare oo ka socday wasaarada arimaha dibada Somaliland.
Ujeedada ay waftigan ugu baxeen dalka masar ayaa ah sidii ay labada dal uga wada hadli lahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya labada dal,sidoo kale waxa la filayaa in waftigani intay ay ku sugan yihin dalka masar inay kulamo la qaataan wasiirka arimaha dibadda dalka masar,wasiirka caafimaadka dalka masar,wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dalka masar,wasiirka waxbarashada iyo tacliint sare ee dalka masar iyo waliba xubno kale oo ka mida dawalda masar,kuwaasi oo dhamaan ay ka wada hadli lahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka.