RASMI: Leicester City vs Chelsea, Nottingham Forest v Arsenal Iyo Isku Aadka Wareega Saddexaad Ee Leaque Cupka Oo Soo Saaray Iyo Isku Aadka Oo Dhamaystiran

Date:

Waxaa la soo sameeyay isku aadka wareega saddexaad ee Leaque Cupka waxaana wareegan ku soo biiray dhamaan kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-ga. Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa xalay ka soo baxay wareegii labaad waxayna ka mid noqdeen kooxaha waa wayn ee sugayay in ay ogaadaan kooxaha ay ku dhici doonaan wareega saddexaad.

Wareega saddexaad ee Leaque Cupka waxaa ku tartama 32 kooxood wuxuuna fursad fiican u noqdaa kooxaha heerka hoose oo la ciyaaraha kooxaha Premier Leaque-ga iyada oo mararka qaar ay ka soo baxdo natiijo lama filaan ah. Wareega 3aad ama wareega 32da kooxood waxaa la ciyaarayaa isbuuca 19ka bisha September ee sannadkan.

Kooxda koobkan difaacanaysa ee Man City ayaa booqan doonta kooxda Premier Leaque-ga ee Swansea City halka Jose Mourinho iyo kooxdiisa Man United ay marti u noqon doonaan kooxda Northampton. Arsenal ayaa iyaduna ka badbaday kulan adag waxayna booqan doontaa kooxda Nottingham Forest .

Kulanka ugu adag ayaa ah kulanka ay Chelsea booqan doonto King Power Stadium iyada oo wajihi doonta kooxda koobka horyaalka haysata ee Leicester City . Liverpool ayaa iyaduna u u safri doonta kooxda Derby County laakiin waxaa cajiib ah in dhamaan kooxaha waa wayn ee Premier Leaque-gu ay kala badbaadeen isla markaana ay dhamaantood wada marti noqon doonaan wareega saddexaad ee Leaque Cupka.

HALKAN KAGA BOGO ISKU AADKA WAREEGA SADDEXAAD EE LEAQUE CUPKA OO DHAMAYSTIRAN:

Nottingham Forest v Arsenal

Leeds United vs Blackburn Rovers

West Ham United vs Accrington Stanley

Queens Park Rangers vs Sunderland

Southampton vs Crystal Palace

Swansea City vs Manchester City

Fulham vs Bristol City

Bournemouth vs Preston North End

Tottenham Hotspur vs Gillingham

Everton vs Norwich City

Derby County vs Liverpool

Northampton vs Manchester United

Brighton vs Reading

Newcastle United vs Wolverhampton Wanderers

Stoke City vs Hull City

Leicester City vs Chelsea

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...