Makah (Wargane)- Taliska ciidamada ammaanka xajka ayaa war ay soo saareen toddobaadkan ku sheegay in dad tiradoodu ay ka badan tahay 70 kun oo yimid magaalada Baraykaysan ee Makah si ay u xajaan dib loo celiyey kadib markii la ogaaday in aanay haysan waraaqaha socdaal ee ogolaanshiyaha xajka, halka xabsiga la dhigay in ka badan 28 kun oo ah gaadiid jebiyey xeerka ka yaalla qaadista dadka xujaajta ah.
Dhinaca kalana ciidamada nabadgelyada waddooyinka ee Sucuudiga u qaabilsan sugidda ammaanka Xajka ayaa dib u celiyey ama u diiday in ay xaramka galaan gaadiidka aan buuxin shuruudaha u yaalla ama aan haysan waraaqaha dhaqdhaqaaqa ee gelidda xajka, waxa aana sida uu xeerkaasi dhigayo lagu soo rogay gaadiidkaas iyo darawalladoodaba ganaaxyo kala duwan.
Wakaaladda wararka ee dalka Sucuudiga ayaa iyaduna Axaddii toddobaadkan baahisay war sheegaya in sannadkan si adag loo hor-istaagay, loona diiday soo gelitaanka magaalada Barakaysan ee Makah, dad la sheegay in iyaga oo aan sidan sharciyo sax ah ama bilaa sharciba ah doonaya in ay xajaan, isla markaana la soo saaray ganaaxyo adag oo la saaro cid kasta oo loo arko in ay dhinac marayaan ama khiyaamaynayaan awaamirta sharciga ah ee arrintan laga soo saaray.
Masuuliyiinta ammaanka xajka u qaabilsan boqortooyada Sucuudiga ayaa digniin ay soo saareen ku sheegay in dadka doonaya in ay xajka soo gutaan ay iska hubiyaan waraaqaha iyo fiisayaasha ay sitaan si aan loogu qaban kuwo been-abuur ah, waxa ay sidoo kale ka digeen in ciddii khilaafta nidaamka iyo shuruucda ay u dejiyeen gudashada xajka la saari doono ganaax culus.