Wasiirka Cusub Ee Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Waramay Xilka Loo Magacaabay,Wada Hadalada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Iyo Diiwaangalinta Gobolka Sool

Date:

Hargeysa(Wargane)August.23,2016-Wasiirka cusub ee wasaarada arimha gudaha Somaliland Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa waraysi kooban oo uu siiyay wargeyska Geeska Africa waxa uu kaga hadlay sida uu u arko  xilka loo magacaabay,wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo iyo qodobo kale.

Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in xilka Somaliland ka jiraaa ee dawladeed yihiin kuwo loo siman yahay ,waxaanuu u mahadceliyay madaxwaynaha Somaliland.

Marka u horeysa wasiirka oo uu Shabakadda Wargane waydiiyay sida uu xilkan u arko waxa uu yidhi

“Waxaan u arkaa xilka wasiirka arimaha gudaha ee la ii magacaabay inuu yahay mansab muhiim ah waan ku qanacsanahay,madaxwaynahana waan uga mahadnaqayaa inuu xilkan ii magacaabo,waajibka la ii igmadayna hadii rabbi idmo waan kasoo baxi doonaa si sinaan iyo cadaalad ku dhisan tahayna waan ugu adeegi doonaa qaranka”

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiir Faratoon waxa uu yidhi “ xilka wasiirnimo ee wasaaradda arimaha gudaha iyo  xilalka kale ee wasaaradaha dalka iyo waliba hay’addaha kale ee dawliga ahba waa loo siman yahay oo muwaadiniinta iyo shacabka reer Somaliland-ba xaqbay u leeyihiin “

Wasiirka mar aanu wax ka waydiinay sida uu u arko wada hadalada u furmay dwlada Somaliland iyo kooxda khaatumo ayaa ku jawaabay

“Waa daruuri in la wada hadlo oo Somaliland iyo khaatumo wada hadlaan oo ay is afgartaan,waxaanan ku rajo waynahay in is afgarad ka dhex dhaco oo lays fahmo”

Wasiirka arimaha gudaha oo ka jawaabay xaalada magaalada Laascaanood iyo diiwaangalinta ka bilaabmatay gobolka sool waxa uu yidhi.

“Xaaladda laascaanood aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay oo wax iminka ka jira ma jiro,wax ka socda abaabulka diiwaangalinta ,waxaan dadka gobolka sool dhamaantood farayaa oo kula dardaarmayaa inay qaataan kaadhka diiwaangalinta  doorashada si ay u helaan xaqa ay u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan”

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland oo bulshada baaq u dirayna waxa uu yidhi.

“Bulshadu inay mar walba garab taagnaato dawlada weeye,waxaan bulshada farayaa oo aan leeyahay nagala shaqeeya oo nala ilaaliya nabadda oo isku xidhnaada oo danta dalka aynu ka wada shaqayno oo waxii amaan daro iyo dhib keenaya aynu iska ilaalino”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...