Mucjiso: Maxaad Ka Taqaan Xeebta Loogu Magac Daray Nabi Ciise (CS) Oo Biyaheeda Loo Dul Socon Karo Sida Dhulka Iyada Oo Aan Ku Liqin, Dalkeese Ku Taallaa?

Date:

Mucjisooyinka dunida aynu ku nool nahay ma aha kuwo la soo koobi karo waxaana ka mid ah arrimaha layaab leh xeebta ama gacan biyoodka loo yaqaano (Xeebtii Nabiyullaahi Ciise) oo ku taalla deegaan u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Giriigga oo ah biyo ay dadku sida dhulka u dul socon karaan oo aan ku liqayn si kasta oo aad u dul marto.

Xeebta loo yaqaano Jesus Beach (Xeebtii Nabi Ciise) waxay ku taalla gacanka Orhaniye Bay ee wadanka Turkiga, waxayna 36km koonfur bari ka xigtaa magaalada loo dalxiiska tago ee Marmaris.

Jesus Beach waa meel soo jiidasho leh oo ka mid ah meelaha ugu caansan, waxaana ku taala xeeb aad loo jecel yahay oo kumanaan dalxiisayaal ah ay booqdaan sanad walba.

Gacan biyoodkan loo yaqaano Jesus Beach oo ku xidhiidhsan badda Aegean sea ee u dhexeysa wadamada Turkiga iyo Giriiga ayaa waxaa uu leeyahay mucjiso u gooni ah oo uu kaga duwan meelaha la mid ah taasoo ah inaad gees ka gees ku dul socon karto adigoo biyaha ay ku joogaan jilbaha, kana baqeynin inaan quusto.

Taariikhyahanada ayaa sheegaya in Jesus Beach uu isagoo lugeynaya maray Nebi Ciise Caleyhi Salaam, ayna sababtay in halkaas loo bixiyo Jesus Beach oo la micno ah (Xeebtii Ciise).

Dad badan ayey la yaab ku noqotay markii ay arkeen dad iyagoo lugeynaya isaga socda gudaha xeebta Jesus oo ka mid ah meelaha ugu caansan dunida ee leh waxyaabo ay kaga gedisan tahay meelaha kale, waxaana dadka qaar ku adkaatay iney rumeystaan in gacan biyoodka intaas le’eg la isaga dul soconayo adigoo aan dareemin wax khatar ah.

jesus_9 jesus_6-300x200

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...