Somaliland: Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Guul-Wadenimo U Gaysay In Uu Marwada Qaranka La Doonto Hawl Aanay Shaqo Ku Lahayn, Sheegayna In Ay Xeererka Dalka Wax Ka Samayso

Date:

Wasiir Sheegay In Marwo Aamina Weris Gacanta Ku Hayso Mid Ka Mid Ah Xeerarka Horumarineed Ee Wasaaradaha Dalka + Doodo Iyo Falan-Qayn Sharci Oo Ka Dhalatay Hadalka Wasiirkaasi Oo Dadka Qaarkii Markhaati Uga Dhigteen Awoodaha Marwada

Hargeysa (Wargane)- Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa ku dhawaaqay arrin layaab leh oo ku cusub milgaha dawladnimo ee Somaliland kadib markii uu sheegay in Marwada Qaranka Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) ay gacanta ku hayso mid ka mid ah xeerarka horumarineed ee wasaarad ka mid ah wasaaradaha Somaliland, taasi oo ay dad badani la akhriyeen dooddii ka taagnaan jirtay saamaynta Marwada Madaxweynuhu ku leedahay hogaaminta iyo talada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Mudane Shucayb Maxamed Muuse oo ka mid ah masuuliyiinta Golaha Wasiirrada ugu da’da yar inta badana lagu yaqaanno darjiidh iyo hadalo aan loom eel dayin ayaa hadalkiisani dhaliyey doodo sharci iyo kuwi siyaasadeed oo la xidhiidha arrinkaasi iyada oo aanay nidaamka dawliga ah ee casrigan Somaliland qaadatay aanay Marwada Madaxweynuhu ku yeelan Karin jaan-goynta nidaamka maamul ee dalka gaar ahaan waaxda fulinta oo ah dawladda dhexe. Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo taagga is lahaa wax u tar Marwada amma ku ammaan hawl ay qabatay ayay arrintani ku noqonaysaa arrin waji gabax ah isaga oo sheegay in Marwadu gacanta ku hayso xeerka Horumarinta Warshashadaha Somaliland, marka ay ka soo talo bixiso ee ay wax ku soo darto waxna ka soo dhinto markaasi loo gudbin doono Golaha Wasiirrada Somaliland si ay u ansixiyaan, taasoo aan la ogayn meel ay Marwadu nidaam ahaan ka soo geli karto xeerar u samaynta mid ka mid ah wasaaradaha dalka ee dhinaca wax soo saarka, halka inta badan marwooyinka qaran ee adduunyada lagu maamuuso karaamo ahaan dhinacyada horumarinta haweenka iyo dhallaanka iyo waliba gaar ahaan dhinaca gargaarka iyo sama-falka, balse wasiirkeenan idmani uu Marwada la doontay wax aanay shaqo iyo shuqul toona ku lahayn, dad badanina ay u qaateen kalita in uu is lahaa uun ammaan ama wax u tar.
Mudane Shucayb Maxamed Muuse ayaa ku tiraabay mar uu xaflad ka hadlayay in Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde, Marwada qaranka Somaliland ay gacanta ku hayso xeerka Horumarinta Warshadaha waxaanu yidhi: “Ka Wasaarad ahaan Runtii aad iyo aad Waxaan ugu Faraxsanahay oo aan mar walba u mahad celinaynaa Marwada Madaxweynaha Somaliland ee aannu ka talo galinay ama ay gacanta ku hayso xeerkii horumarinta Warshadaha oo aannu (Comment-ka) faallada ama talada ay ka dhiibato aannu ka sugayno Haddii Alle ogolaado sida ugu dhakhsaha badanna Golaha Wasiirrada loo hor keeni doono idinkana wixii wasaarad ahaan doorkayaga ah waannu idinla qaban doonaa” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse.
Hadalkan Wasiirka ayaa dhaliyey doodo badan oo la xidhiidha isaga oo u marag furay dad badan oo qaba saamaynta Marwada qaranku ku leedahay talada dalka. Waxase layaab leh in Wasiir dhan oo is leh ammaan Marwada qaranku uu meel ka dhac ugu gaystay haybaddeena dawliga ah iyo ta Marwadaba. Hadalkaasi wasiirka oo dad badani faallooyin ka bixiyeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...