Hargeysa, 21 August, 2016-(Wargane) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku ammaanay Go’aankii ay ku joojisay bandhig-fanneed Fannaanada Internet-ka caanka ah ee Nasteexo-indho doonaysay inay ku qabato Magaalada Hargeysa.
Xildhibaan Dheeg oo Xalay la soo xidhiidhay Shabakada Wargane, ayaa sheegay in Go’aanka Wasaaradda Diintu ku mabnuucday Bandhig-fanneedka Nasteexo-indho uu ahaa Go’aan Geesinimo leh oo lagu baajiyey Bandhig-faneed natiijadiisu tahay xumaan iyo Fusuq ka dhaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, “Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waan ku hambalyeynayaa Go’aanka uu ku joojiyey Bandhig-fanneedka Fannaanaddii Qurbaha iyadoo joogta Hargeysa ka sii kireysatay Huteelka si ay Bandhig-heeso ah ugu qabato.”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg), isagoo intaa ku daray in Go’aankaasi baajiyey fusuq baahsan oo Bandhigaa ka dhalan lahaa haddii aan laga hor-tagin.
Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay Warar sheegaya in Golaha Guurtidu Muddo kordhin u samaynayaan Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, “Muddo kordhin la soo gaadhay iyo Mid aanu Maqallay midna ma jirto, Waayo? Annagu ma doon-doonno ee marka Digreeto Madaxweyne oo Sababeysani Golaha timaaddo ayuun baanu ka doodnaa (oo aanu Go’aan ka qaadanayaa), laakiin ma doon-doonno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa inay suurto-gal tahay Muddo kordhinta la hadal hayaa marka lagu jaan-joogo Duruufaha kala duwan ee la xidhiidha in Doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, “Annagu ma saadaalin naqaanno (Muddo kordhinta) ee idinka (Warbaahinta) ayaa saadaaliya, markaa annagu waxaanu ka doodnaa uun markay Golaha timaaddo.”
Fannaanadda Nasteexo-indho, ayaa ka mid ah Fannaanniinta da’da yar ee sida aadka ah Heesahooda loogala socdo Bogga Internet-ka ee lagu baahiyo Muuqaallada (Youtube) iyo Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho sida Facebook, Walow Telefiishannada Soomaalida qaarkood mar-mar baahiyaan qaar ka mid ah Heesaheeda.
Nasteexo-Indho, ayaa ka hor intii aanay iman Hargeysa waxay soo martay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, waxaana bandhig-fanneed ay halkaa ku qabatay aad uga qaylyey Culimada ku nool Puntland.