Somaliland Oo Codsi U Diratay Dalka Sierra Leone

Date:

Furaha Internet-ka ee Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa hadda Gacanta ku haysa Dawladda Muqdisho, taasi ayaa Somaliland Ku khasbaysa inay Mid kale raadsato

 Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsatay inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maaddaama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland.

Domain ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so) ama (Google.co.uk), laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah ka Madax-bannaan Soomaaliya ayaan helin Madax-bannaani dhinaca Internet-ka ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Soomaaliya, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.

Ma jiro War Rasmiya oo Dawladdu ku shaacisay arrintan, basle Warbaahinta Somalilandchronicle.com oo Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa Shalay baahiyey Warkan, isagoo soo xiganaya Warqad ku qoran Afka Ingiriisiga oo uu sheegay in Wasiirka Wasaaradda Boosaha, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu Dr. Cabdweli Suufi Jibriil Somaliland uu u diray Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Sierra Leone, kaasi oo Magaciisu yahay Mr. Mohamed Rahman Swaray, taasi oo kaga dalbaday in Somaliland la isticmaasho furaha Internet-ka ee .SL.

Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...