Somaliland: Khilaafka Soo Guuxayay In Mudo Ah Oo Su Cagu Dhiganaye Bartamaha Xisbiga Waddani+ Isqabadka Siyaasiynta Xisbiga + Qosolka Cirro + Shrweynaha Xisbiga

Date:

Xisbiga WADDANI oo mudeeyay Shirka Golaha dhexe ee lagu Dooranayo Musharaxa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa

Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay  wakhtiga uu qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee lagu Dooran doono Musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uga qayb galaya doorashada  madaxtooyada 2017.

War qoraal ah oo lagu baahiyey degelka uu Xisbiga Waddani ku leeyahay Facebooga  waxaa lagu sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 1 bisha 10 ee 2016ka oo uu ka dhacayo magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo lagu sheegay qoraalkaasi in shirkaasi lagu dooran doono musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uu yeelan doono xisbiga Waddani maadaama la galayo tartan doorashada madaxtooyada Somaliland.

Jagada musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani waxaa u tartami doona guddoomiyaha golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Mudanew Cabdiraxmaan Cirro iyo musharaxa kale oo shaaciyay hankiisa musharaxnimo, halka kursiga musharaxa madaxwayne ay  ku tartamayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Awdal kuwaasi oo uu ugu horeeyay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo siyaasiyiin kale.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharaxa madaxwayne uu noqonayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro maadaama uu xisbigaasi inta badan soo hogaaminayay ilaa imika aanu jirin musharax taageero wanaagsan soo bandhigay, waxaa kale oo loolan adagi dhex mari doonaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Awdal ee ku tartamaya musharaxa madaxwayne ku xigeenka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...