Wakiilkii hore Somaliland ee dalka itoobiya Danjire Aadan Muuse Jibriil ayaa ka hadlay isku shaandhayntii dhawaan madaxwaynaha Somaliland sameeyey taas oo loogu magacaabay inuu noqdo wakiiilka Somaliland ee midowga Africa,halka wakiilka Somaliland ee itoobiya-na loo magacaabay Cali Waran-cadde oo ahaa wasiirkii daakhiliga.
Danjire Aadan oo isagoo jooga magaaladda Addis-ababa ee dalka itoobiya xalay khadka telefoonka uga waramay wargeyska Geeska Africa waxa uu yidhi.
“Anigu nin kaligii shaqo doon ah ma ihi,anigu barnaamij Ayaan taageeraa ama diidaa,barnaamijka aan taageeray wuxuu ahaa is badalkii ka dhacay xisbiga KULMIYE gudihiisa iyo is badalkii ka dhacay Somaliland bishii November kadib”
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “barnaamijkaa Ayaan anigu u taaganahay wax shakhsi ah uma taagni,barnaamijkaasina waxa weeeye in siyaasadda dibada iyo ta gudahaba is badal ku yimaado markaas anigu barnaamijkaas Ayaan taageersanahay,Muuse iyo musharaxnimaddiisa ayaan taageersanahay,dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka oo wakhtigoodii ku dhacaan aaminsanahay oo aan u shaqaynayaa,xidhiidhka Somaliland iyo itoobiyana intii an halkan imid is badal wayn ayaa ku dhacay ilaa iyo midowga Africa ilaa IGAD in alla intii aan ka shaqaynayay waxaan aaminsanahay inaan xageena usoo jeediyay”
Danjire Aadan waxuu sheegay inuu dawaan imaanayii magaalada hargeysa isla markaana uu bixin doono faahfaahin inta ka badan .