Askarta ku dhaqan gobolka sool, gaar ahaan xarunta Laascaanood, ayaa mudaharaad kala hortegay wafti ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha xisbigaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), waxana arrinta markii dambe gacanta ku qabtay ciidamada ammaanka.
Askar Aad Oo cadhaysan oo u badan dhallinyaro si weyn u abaabulan, ayaa qaylo iyo sawaxan ka dhan waftiga xisbiga WADDANI ku qaabilay gaadiidkii iyo waftigan watay, kuwaas oo ku qaylinayey erayo ka dhan ah guddoomiye Cirro, waxana ay si gaar ah u carrabaabayeen dagaalkii uu horraantii sanadkan guddoomiyuhu ku qaaday ku-xigeenkiisa Md Baashe Maxamed Faarax oo isagu dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalada Laascaanood.
Askarta maalintii shalay mudaharadaadka ka dhanka xisbiga WADDANI ka abaabulay magaalada Laascaanood, ayaa waxyaabaha kale ee ay ka biyo diidsanaayeen waxa kamid ahaa inaanu waftiga xisbiga WADDANI kamid ahay ugu yaraan hal siyaasi oo miisaan leh oo kasoo jeeda gobolkaas, waxana waftiga horboodayey siyaasiyiin badhtamaha waddanka iyo deegaanada galbeedka kasoo jeeda.
Askarta Reer Laascaanood ayaa muujiyey inaanu xisbiga WADDANI wax dan ah ka lahayn gobolkooda, maadaama muddo dhawr iyo toban sano ah oo uu guddoomiye Cirro golaha wakiillada soo horfadhiyey iyo intii uu xisbiga aasaasayba aanu abidkii tegin laascaanood, balse maalintii uu codkooda u baahday gaadiid tiro badan dabada isku soo geliyey, isagoo aan wadanin cid gobolkaas kasoo jeedda oo metesha.
Mudaharaadka ka dhan ahaa xisbiga WADDANI iyo hoggaamiyihiisa Cirro, ayaa goor dambe qaboobay, waxana ciidamo boolis ah oo soo farogeliyey ku guulaysteen inay dejiyaan dadweynihii cadhaysnaa, kuwaas oo ku qanciyey in guddoomiye cirro iyo waftigiisu degaan huteelkii qorshahoodu ahaa inay galaan.
Guddoomiye Cirro, ayaan weli wax raaligelin ah ka bixinin qadafka ay shacabka gobolka Sool ka tirsanayaan ee ay ugu weyn tahay dagaalkii uu hore ugu qaaday ku-xigeenkiisa koowaad ee golaha wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax oo isagu wakhti xaadirkan ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.