Somaliland: Wasiirka Caafimaadka Oo Digniin Adag Hawadda u mariyay Maamulka Puntland

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo socdaal hawleed ku jooga Magaalada Buuhoodle ayaa ka waramay xaalada siyaasadeed iyo ta bulsho ee Gobolkaasi, waxaanu digniina u diray maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo isku deyaya inay carqaladeeyaan deganaansha Gobolkaasi.

Wasiirka oo u warramayay xalay warbaahinta qaranka, waxa uu ka hadlay dullucda booqashadiisa Buuhoodle, waxaanu yidhi “Salaasadii ayaanu nimid Gobolkan (Buuhoodle) waxaana aanu u nimid hawl wacyi-gelineed iyo mid wada tashi dadka deegaanka ah, runtii dadku xiligan waa bislaadeen, 99% waa dad aaminsan Qaranimada Somaliland, waxaanan rejaynaynaa in wada tashiyada aanu la yeelanayno ay ka soo baxaan arrimo dhaxal-gal ah, isla markaana ay dabaysha siyaasadeed ee isu guurka ah ee Somaliland ka dhacaysa ay meel wanaagsan ka geli doonaan oo qeybtooda ka qaadan doonaan.”

Dhanka kale wasiirka caafimaadku waxa uu uga digay maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ku hawlan inay dhiciseeyaan qorshaha diiwaan-gelinta codbixiyaha Somaliland oo ah arrin uu muwaadinku xaq u leeyahay. “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego oo digniin u diro maamulka Puntland oo ku tashaday inay carqaladeeyaan rabitaanka shacabka Buuhoodle, isla markaana doonaya inay ciidamo u soo diraan Buuhoodle oo Madaxweyne ku xigeen u soo diraan oo qasaan si ay u dhiciseeyaan qabsoomida diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha , waxaan leeyahay wixii xasilooni darro iyo khasaare ka yimaadda waxaa mas’uul ka noqonaysa Puntland, caalamkana sidaas ayaan u sheegaynaa, waayo dadka reer Buuhoodle wanaag bay rabaan nabad ayay rabaan, iyagaa xor u ah inay diiwaan-gelinta galaan iyo in kale. sida muwaadin kale oo kasta oo reer Somaliland uu xaqaa u leeyahay, Jamhuuriyadda Somaliland waa wadan dimuqraadi ah cidna laguma khasbo ka qaybp-galka diiwaan-gelinta iyo doorashadda toona, Puntland-na waxaan ugu celinayaa deegaankan iyo dalkan rabshad kama ogolin,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
Dr Xaglotoosiye oo ka hadlay dareenka dadweynaha deegaankaasi ee xiligan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qaybqaadashada xaaladaha siyaasadeed iyo bulsho ee ka socda JSL, waxa uu yidhi “Intii aanu halkan joognay waxaa dadweynaha nagaga soo noqday dareen weyn oo muujinaya rabitaan weyn iyo isbedel weyn. waana mid aanu aad iyo aad ugu faraxsan nahay uguna han weynahay, illaa haddana waxaanu kulamo la yeelanay maamulka heer Gobol iyo heer degmo, odayaasha iyo qeybaha kale ee bulshadda.”

“Waxaanu bilownay sidii wada tashi loo yeelan lahaa. runtiina reer Buuhoodle oo ah beel aad u weyn oo beelaha Dhulbahante ka tirsan ayaa aqlabiyadoodii waxay go’aansadeen inay dantooda u soo noqdaan oo danta deegaankooda eegaan oo go’aansadaan inay si buuxda uga mid noqdaan Jamhuuriyadda Somaliland, oo dantoodu ku jirto, nabadgelyadoodu ku jirto, horumarkoodu ku jiro, mustaqbalkooda siyaasadeedna ku jiro, Xukuumad ahaana wax walba waanu la dhinac taagan nahay waxaanan filayaa Haddii ALLE yidhaahdo in isbedal weyn oo degdeg ahi dhaco,”ayuu ku warbixiyay Wasiirka Caafimaadku.

Wasiir Xaglatoosiye waxa uu tacsi u diray shacabka Somaliland isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ugaas Cabdilaahi Ciise oo Salaasadii ku geeriyooday dalka Turkiga, kana mid ahaa madaxdhaqameedka gobolka Sool.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...