Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed Cali Xoorxoor, ayay wararku sheegayaan inuu Madaxtooda u soo gudbiyay qoraal uu ku sababeeyay inuu iska casilay xilka Maareeyaha Dekeda Berbera.
Tibaaxaha ayaa intaas ku daraaya in Madaxtooyadu ay Cali Xoo-Xoor cadaadis ku saartay hanaanka ay DP World uga hawlgalayso Dekeda Berbera oo ay diidmo kala horyimaadeen shaqaalaha muruq maalka ah ee Dekeda Berbera iyo awaamiir la faray oo nuxurkood yahay inuu xakameeyo mucaaridada lagagal hor yimi heshiiska DP ee ay Madaxtooyadu hormoodka ka tahay.
Xil ka qaadistan lagu sameeyay Eng. Cali Xoor-Xoor ayaa dad badan oo arrimaha siyaasada odoroosaa ay u arkayaan mid caqabad ku noqonaysa kalsoonida Xukuumadda KULMIYE ka doonayso gobolka Saaxil. Dhinaca kalena maadaama oo uu Istiqaalad gudbiyay ka hor intaan xilka laga qaadin, waxay u muuqata talabada lagu shaaciyay in xilkii laga qaaday inay tahay mid lagaga aargoosanaayo Eng: Cali Xoor-xoor.