Somaliland: Cali-Gurray Oo Ka-Dareen-Celiyay Racfaanka Uu Guddoomiyaha Xisbigga UCID kA-Qaatay Dacwaddii Labadda Dhinac Ee Xisbigga U-Dhexaysay.

Date:

Ma hayo anigu war cad lakiin la lahaa aakhirkii Faysal wuxu racfaan ka qaatay Go’aankii Gudidii Diiwaangelinta. Hadii ay run tahay war aan maqlo oon ka jecelahay ma jiro markaan Faysal aqaano waxa aanu isku haynana ogahay. Faysal anaga ayaa dacwaynay oo ku dacwaynay ku tumashada Xeerka Xisbiga oo uu ka dhigay waxan jirin. Ma jirto xubin UCID ah rag iyo dumar caruur iyo ciroole caamo iyo caalim oo si badheedh iyo is indho tir ah u jebisay qodob ka mid ah 40 qodob ee uu ka kooban yahay Xeerka Xisbiga UCID. Qodobadii aanu ku dacwaynay ee isagu uu jebiyay cadaymihii oo dhanna watay Gudida Diiwaangelintu wax tixgelin ah may siinin. Wuu jebiyay may odhan muu jebinna may odhan hadana waan hubaa in runta ay ogaadeen kuna qanacsanaayeen xaqiiqadooda. Laakiin iyaga oon tixraacayn dacwadayadii ayay iyagu markay xaaladda eegeen ay keeneen go’aan ay u arkeen inu xal u noqon karo khilaafkii noo dhexeeyay labadayda dhinaca oonu anagu ka ahayn dhibanayaal isaguna uu eedaysanaha ka ahaa iyaga oo aan noo gar qaadin. Runtii anagu ku maanu qancin marka aanu eegnay dacwadii aanu gudbinay oo waad hesheen oo gar baa yeelateen iyo waa la idinka helay oo waa ku garwaydeen midna na la odhan. Lakiin markaanu ka eegnay dhinaca danta Xisbiga oo taayadii aanu ku iloobi karno hadii Faysal laga helayo in isaguna uu aqbalo. Waayo Go’aanka Gudidu wax kale muu ahayn ee wuxu ahaa Heshiiskii hore loo wada galay ee Faysal uu kow ka ahaa inta u saxeeday dhiniciisa ka dibna Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah xubnihii Shirwaynuhu doortay ay ansixiyeen isaga oo goluhu adeegsanaya awoodaha uu siiyay Xeerka Xisbigu si aanu u wada dhamaystirano oo wada qabsano Shirwaynihii Aan Caadiga Ahayn sidii labada dhinac hore ugu heshiiyeen sida ku cadayd Heshiiskii Badbaadinta Xisbiga UCID. Taas oo aanu u argnay in xalku ku jiro hadii caqligu shaqaynayo danta guud ee xisbigana laga horaysiinayo danaha gaarka ah. Faysal tan iyo maalintii uu go’aanku soo baxay way cadayd in uu diidanaa waayo danihiisa gaarka ah een sharci allah sharci uu u mari karaa ool ayaa wax kasta kala waynaa mar kastana kala wayn.
Hadii la asturay oon ku tumashada Xeerka Xisbiga Gudidu waxba ka soo qaadin malaha waaba nabsigii diinku soo siday ee Xisbiga UCID ugu soo samrayay Ina Cali Waraabe eh aan ka wada dhursugno cadaaladda Maxkamadda Sare beryahan waynu ogayn oo Waaxda Garsoorka lagama dayrinayn go’aanka Maxkamadda Sarena wuxu noqonayaa kama dambays eh. Sidaa daraadeed hadii uu Faysal noo dooray Maxkamadda Sare anaguna diyaar baanu u nahay oo ka dayrin mayno SI ROONBA RABAA OG

Wa Bilaahi Tawfiiq
Gudoomiyaha 3aad
Xisbiga UCID
Caligurey

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...