Guddoomiyaha Xisbiga Kumlmiye Muuse Biixi Cabdi Ayaa Jawaan kulul Inadha kagag Soo Saaray Maamulka muqdisho
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shirka madasha wadatashiga ee maamulka Goboleedyada Somaliya uga Socday Magaalada Muqdisho.
Musharax Muuse Biixi waxaa uu sheegay inaanay jirin midow ay mar dambe iskugu imanayaan Somaliya iyo Somaliland, balse loo baahanyahay sidii loo noqon lahaa laba dalka oo jaar ah islamarkaana mid waliba dhinaciisa ugu adeegi lahaa bulshada uu maamulo.
“Haddii Somaliland iyo Somaliya beri wax wada yeesheen wada tashigaasi waa dumey, qollada Xamar ku shiraysa waxaanu leenahay waxaa dumiyay midowgaad daydayaysaan talladii 1969kii Xamar lagu galay ee sidaad ogeydeen wax u qaybiseen”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasibad xadhiga lagaga jarayay waddo isku xidha Kalabaydh iyo Dilla.
Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Kulmiye waxaa kale oo uu sheegay in la dhageysanayo cabashada kasoo yeedhay shacabka degan gobolada Galbeedka Somaliland, taasi oo ku saabsan saami qaybsiga Kuraasta Golaha wakiilada Somaliland.
Shirkii madashada wada tashiga ee dawlada federaalka Somaliya ayaa waxaa ku jiray sidii doorashada baarlamaanka ay uga qayb gali lahayd Somaliland, kuwaasi oo xubno Somaliland ka mid ahi ka baxeen shirkaasi kadib markii ay sheegeen inay waayeen saami qaybsigii ay ku lahaayeen maamulka Federaalka Somaliya.
Somaliland oo sanadkii 1991kii ku dhawaaqday inay ka go’day Somaliya ayaa waxaa inta badan soo noqnoqda qorshe ay dawlada Somaliya uga qayb galinayso doorashooyinka lagu qabanayo Muqdisho iyadoo samaysa xubno maqaar saara oo matalaya Somaliland.