Somaliland: “Xukuumadda Waxa Laga Rabaa Inay Inoo Salaxdo Garoonkii Ciyaarta Doorashooyinka, Sannadkan Ku Hakan Maynee.” CIRRO

Date:

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Shalay Xaflad Sagootin ah Hargeysa ugu sameeyay qaar ka mid ah Qurba-joogta taageerta oo dib ugu laabanaya Dalalkii ay ka yimaaddeen.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo khubad ka jeediyay Munaasibadda Sagootinta ah, ayaa rejo ka muujiyey in Xisbigiisu uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada ee loo qorsheeyay inay Dalka ka dhacdo Sannadka dambe horaantiisa.

Guddoomiye Cirro oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Maanta waxaynu joognaa kaalin aynu hoggaanka dalka hungurayno oo qabsano saw ma aha?. Markaa waxaynu ku tala galaynaa haddii aynu Gudaha joogno iyo haddii aynu dibadda joognaba in doorashooyinkii ay qabsoomayaan bisha saddexaad sanadka 2017 ka. Qabashada shirka golaha dhexe oo ku Muddeysan Bisha Tobnaad ee Sannadkan, ka dib waxa inoo hadhay maalmo yar oo aynu ugu talo galayno Geediga aynu ugu socono Madaxtooyada jamhuuriyadda Somaliland. Geedigaa xubin kasta oo xisbiga ahi ha u soo diyaar garawdo, waxa kale oo aynu u baahan nahay geedigaa in aynaan  kala hadhin hanti kasta oo aynu haysano, ha ugu horeeyaan aqoonteena, waayo-aragnimada, Xoolaha, wakhtiga iyo taageerada shacbiga aynu ka filayno iyo inaga oo ilaahay talo saarana, waxaan is leeyahay way iska caddahay guushu, waa in  laamaha xisbigu sii dedaalaan, waxa la idiinka baahan yahay wakhtiga doorashada intiina imanaysa inaad isa sii diwaan-gelisaan si aad ugu diyaar garawdaan doorashada.”

Guddoomiyaha WADDANI, waxa kale oo uu sheegay “Xukuumadda Somaliland waxa laga rabaa in ay inoo salaxdo garoonkii aynu ku ciyaari lahayn doorashooyinka, waxaan is leeyahay  ku ha kan mayno sanad kan cidnaba…”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...