Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ay wehelinayaan Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco, ayaa shalay kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday Baanka Adduunka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda Maaliyadda, ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada xaajoodeen sidii wax looga qaban lahaa ururinta xashiiska isla markaana loo maarayn lahaa qashinka magaalada iyo mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa.
Wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa kulankaas ka dib faahfaahin ka bixisay warbaahinta maxaliga ah, waxaanay tidhi “Labadan qolo ee noo yimi ee Baanka adduunka iyo UN/UNPOS, waxay labaduba noola yimaadeen mashaariic ay la qabanayaann dawladda Hoose ee Hargeysa iyo wakaalada Biyaha, markaa hawshii maanta ayuun bay bilow tahay, lacagta ay mashaariicdaa u hayaan iyo wax walba waanu ka wada hadlaynaa, markaa maanta si wacan ayay noogu bilaabantay oo waxaanu ka wada hadalnay hadday biyaha tahay iyo hadday dawladda hoose tahayba, markaa khayr baa ka soo bixi doona.”
Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxa ay innoogu yimaadeen waxa ay dalka ka caawinayaan hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii loo horumarin lahaa iliiladaha biyaha qaada iyo ururinta qashinka, oo loo samayn lahaa meelihii qashinka dareeraha ah iyo qashinka adagba lagu ururin lahaa, waana mashruuc lagu hagaajinayo qashinka iyo biyaha caasimadda Hargeysa.”
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu sharaxaad ka bixiyay mashaariicdan baanka adduunku kala shaqaynayo dawladda Hoose ee Hargeysa iyo wakaaladda biyaha, mashaariicdaasi oo uu ku tilmaamay kuwo wax wayn ka tari doono horumarka iyo bilicda caasimadda Hargeysa.