Somaliland: Baabuur Cusub Oo Lagu Wareejinayey Wasaaradaha Fulinaya Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland

Date:

Warganenews: Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu si rasmi ah gudaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ugu wareejiyay 12 baabuur oo loo soo iibiyay 4 Wasaaradood iyo 1 Wakaalad oo fulinaya Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Xafladda waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Mudane, Cali Ismaaciil Xuseen (Shoombe), sidoo kalena ah guddoomiyaha Komishanka Qorshaynta Qaranka iyo Guddiga Wadajirka ah ee Maamula Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Xafladda waxa kasoo qayb galay Wasiiro iyo Masuuliyiin sarsare oo ka socday Wasaaradaha iyo Wakaaladaha fulinaya mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).Wasaaradaha iyo Wakaaladda maanta guddoomay baabuurtooda waxay yihiin sidatan:

Wasaaradda Caafimaadka – 5 baabuur (oo ay ku jiraan 2 ambalaas/gaadiidka gargaarka degdegga ah oo loogu talo galay Cisbitaalada Ceerigaabo iyo Laascaanood)

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare – 3 baabuur

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda– 2 baabuur

Wasaaradda Beeraha – 1 baabuur

Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka – 1 baabuur

Baabuurtan oo dhan 12 oo isugu jira Toyota Land cruiser hardtop iyo Toyota Hillux pick-up oo ah cusayb waxa isticmaali doona Xafiisyada Maamula Mashaariicda ee ku sugan Wasaaradaha iyo Wakaaladaha Dawladda si ay ugu kormeeraan una daba galaan habsami u socodka Mashaariicda uu maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) kuwaas oo ku kala baahsan guud ahaanba Somaliland. 2 ka mid ah baabuurtu waa Ambalaasyo ama Gaadiidka Gargaarka Degdegga ah oo ka hawlgeli doona cisbitaalada Ceerigaabo iyo Laascaanood oo hadda ay gacanta ku hayso dib u dhiskooda Wasaaradda Caafimaadka oo uu taageerayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Baabuurtan oo ay keentay shirkadda Toyota Marill – Djibouti, waxa lagu soo iibiyay hab-tartan furan oo ay kawada shaqeeyeen Xafiiska SDF, goob joogayaal ka socday Wasaaradaha, iyo Wakaaladaha Dawladda, iyo Guddida Qandaraasyada Qaranka.

Isaga oo u mahadnaqaya Dawladaha Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands sida deeqsinimada leh ee ay ugusoo tabarruceen dadka Somaliland, ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane, Cali Ismaaciil Xuseen (Shoombe) yidhi :” Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa deeqbixiyayaash ka qeybqaata Sanduuqa Horumarinta Somaliland kuwaas oo ku tabarucay soo iibinta baabuurtan aadka loogu baahnaa. Baabuurtani waxay fududeyn doontaa fulinta mashaariicda iyo gudbinta adeegyada bulshada ee Wasaaradaha iyo Wakaaladaha Dawladda. Waxa sidoo kale looga faa’iidaysan doonaa kor uqaadida kormeerka iyo dabagalka wax-qabadyada mashaariicda iyo horumarkooda si hufan oo wax ku ool ah”

Isla munaasibadda,waxa isna ka hadley Mudane, Michael Thyge Poulsen oo ku hadlayay afka deeqbixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxaanu yidhi: “Waxa aan ku faraxsanahay in ugu danbayntii baabuurta lagu wareejiyay Wasaaradihii loo qoondeeyay ee ka faa’iidaysanayay. Baabuurtan cusub waxay awood u siindoonaan in Wasaaradaha fulinaya mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ay si fudud ku gaadhaan goobaha mashaariicdu ka socdaan una soo kormeeraan si fudud.

Waxa kale oo aan ku faraxsanahay in dadweynaha Sool iyo Sanaag ee ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinku ay heli doonaan adeeg Ambalaas/Gargaarka Degdegga ah oo lagu kalsoonyahay”.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.

Xigasho Shabakad Wargane

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...