Shirkadda Sterling Energy Oo Shaacisay In Muddo-kordhin Lagu Sameeyey Heshiiska Sahaminta Shidaalka Ee Somaliland.
Shirkadda Sterling Energy ee hawlaha shidaal-baadhista ka waday Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Somaliland kordhisay muddada uu shaqaynayo heshiiska sahaminta shidaalka ee ay wadagaleen.
Warsaxaafadeed ay soo saartay shirkadda Sterling Energy ee ka diwaangashan dalka Ingiriisku shalay oo nuqul ka mid ah Somalilandtoday arkay, waxa ku sheegtay in dawladda Somaliland muddo laba sanno oo dheeraad ah ku kordhisay waqtiga heshiiska shirkaddu kula jirto ee sahaminta shidaalka.
“Shirkadda Sterling Energy waxay ku faraxsantahay inay ku dhawaaqdo in dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay muddo laba sanno oo dheeraad ah ku kordhisay waqtiga hadda ee heshiiska wadaagga soo-saarinta (shidaalka) ee degaanka Oodweyne.
Waqtiyada uu dhammaanayo xilliga sahaminta ee heshiiska wadaagga soo-saarku waxa uu hadda noqonayaa sidan;
Xilliga saddexaad: 2 November 2018
Xilliga afraad (doorasho kale leh): 2 May 2020
Xilliga shanaad (doorasho kale leh): 2 May 2021
Xilliga lixaad (doorasho kale leh): 2 May 2022,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.
Waxa kaloo lagu sheegay warka ka soo baxay shirkadda Sterling in aannu waqtigan lagu kordhiyey heshiisku waxba ka beddeli doonin sidii ay u socdeen hawlihii sahaminta, kharashaadkii iyo soo-saarkiiba heshiiska, waxaannu yidhi, “Habayaraatee waxba iskamay beddelin waajibaadkii shaqo ee waqtiga samaynta ee shidaal baadhista ee; 1) lahaanshaha iyo hantida dhulka cabbirkiisu yahay 500KM ee sahaminta dhulka hoostiisa (2D seismic) muddada saddexaad ee heshiiska iyo 2) lahaanshaha iyo hantida dhulka cabbirkiisu yahay 1000KM ee qodista hal ceel ee muddada afraad ee heshiiska.
Sterling waxay haysataa boqolkiiba 40% dulsaarka ee waddaagga wax-soo-saarka heshiiska, iyadoo ay fulin doonto shirkadda Genel, boqolkiiba 50% dulsaarka iyo shaqada ee kharashaadka hawlaha sahaminta ee inta lagu gudo jiro muddooyinka saddexaad iyo afraad ee heshiiska waddaagga wax-soo-saarka.”
Agaasimaha Fulinta ee shirkadda Sterling Mr. Eskil Jersing, ayaa uga mahadceliyey xukuumadda Somaliland kordhinta muddada waqtiga, “Waxaannu jecelnahay in aannu uga mahadcelinayo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda Genel inay ku heshiiyaan laba sanno oo dheeraad ah. Waxaannu ugu hore ugu socon doonaa siday nooga go’an tahay ololaha sahaminta shidaalka ee dhulka hoostiisa,” ayuu yidhi Mr. Eskil.