Somaliland: Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Oo Sheegay In Wadahadal U Socdo Dawladda Somaliland Iyo Shirka Wadahadalka Oo Ka Furmaya Caynaba

Date:

“Diyaar Ayaanu U Nahay Inaanu La Hadalno Somaliland, Meel Fiican Ayay Noo Maraysaa, Yaa Yidhi Gudidi Wada Hadal Lama Samayn Karo”

Horjoogaha Kooxda la baxday Khaatumo ee Dagaalka kula jirtay Dawlada Somaliland Cali Khaliif Galaydh ayaa shaaca ka qaaday inuu wada u socda Kooxdiisa iyo Dawlada Somaliland islamarkaana gudidi wadahadalka u qaabilsanayd Dhinaciisa uu magacaacabay,waxa kale oo uu u hanjabay Shaqsiyaad uu ka mid yahay Ku xigeenkiisu oo isagu ka soo horjeeda Wadahadalada Somaliland,Waxaan Todobaadkan Wadahadalada labada Dhinac ka furmayaa Magaaladda Caynaba oo ay ku sugan yihiin Kooxda Khaatumo u matalaysa Shirkaasi heshiisiinta ah.
Cali Khaliif Galaydh ayaa taageerayaashiisa fariin ugu diray in Wadahadal u socda Kooxda Khaatumo ee uu horjooga ka yahay iyo Dawladda Somaliland,waxa uu sheegay inaanu qarsanayn wadahadalkaasi ee uu si cad u bayaaminayo,waxa uu sidoo kale sheegay inaanay jiri Karin cid su’aal galin karta masuuliyiinta uu u xushay inay uga qayb galaan Wadahadalada u bilaamay Somaliland iyo Kooxda Falaagada ah ee Khaatumo,Waxaana uu yidhi“Somaliland Diyaar ayaanu unahay inaanu la hadalno,Meel Fiican ayay wax noo marayaan, inaanu wadahadaladaas wadno,Yaa yidhi Gudiyadaas lama samayn karo Waar waan samaynaynaa,Waananu samaynay,Wixii wadahadal ah,Bahashan lala dhuun dhuumanayo,Anagu lama dhuudhuumanayo,Xagaley Guntin Wax lagu qariyo ka weyn,Arintan saddexda gole ayaa leh,Fardi maleh,Kooxi ma leh”.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiiro ka socda Xukuumadda Somaliland oo madaxweyne Siilaanyo u wakiishay inay uga qayb galaaan Wadahadalada Kooxda Khaatumo ay bari gaadhi doonaan Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar ee Somaliland.lama garanayo arimaha rasmiga ah ee ay labada dhinaca ka wada hadlayaan iyo inuu halkaasi ku soo afmeermi doono Dagaalkii dhuumaalaysiga ahaa ee ay Kooxda Cali Khaliif Somaliland kula jirtay,balse waxa mudooyinkii u dambeeyay dhinaca Xukuumadda Somaliland ka socday dadaalo la doonayay in lagu soo xero galiyo Hogaamiye Cali Khaliif oo quus ka taagnaa Maamulka Xamar oo uu ka doonayay inay ka badhi taageeraan dagaalkii ehliga ahaa ee uu Somaliland kula jiray.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...