Somaliland: Mujaahid Cali Gurey Oo Ka Hadlay Maalgashiga Dekedda Berbera.

Date:

Muj Cali Yuusuf Axmed Cali Guray ayaa Bartiisa Facebook waxaa uu kaga  hadley heshiiska ay xukuumada Somaliland la soo gadhey shirkada DP World waxaana uu yidhi:

” Mashruuca DP World hadii ay wax ka qaldan yihiin waxa ka xun in gebi ahaanba la waayo. Taa nasiib darro ka wayni ma jirto aniga xagayga. Reer baa cadhaysan oo taageeradooda lagu helayaa in la diido maalgashiga Berbera ha diido oo isagu ha ku helo ka ku helayaa lakiin aniga taariikhda ii gelimayso in aan ka soo horjeedsaday Maalgashiga DP World mar hadii aanan arkayn wax dhaama oo aan ku doorsado. Hadalka Xildhibaanka iyo inta xisbigiisa ah ee qaylada dheer afka gacanta wada saartay hiil ha u noqoto cidii ay hiil u qaadanayso aniga hadalkaygana ha u qaato ka u qaadanayaa in aan ka hiiliyay. Taariikhda ayaa sheegi doonta.

Mashruucan kuwa dheefta gaarka ahi ugu jirto, way jiraan eh, anigu kuma jiro oo mucaarid baaban ahay. Hadii la waayo lafteedana anigu wax gaar ah kuma waayayo. Xataa hadii la diidayo oo reernimo lagu diidana waa haduu sii go’ay. In badan oo runta og ayaan ku dhici karin inay ka badheedhaan oo meel cad iska taagaan lakiin anigu waan qaldanaan karaa balse weligay wax aan qabo ma qarsan oo ugama waabanin waxa lagu moodi, waxa loo qaadan, hebel iyo reer habel baa ka cadhoon. Mar kasta hadana hadii aan qaldanahay waxaan ogolahay in la i saxo.” ayuu yidhi muj.Cali Guray.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...