Waxa Ay Dani Badday In Uu Kala Doorto Badbaadada Nolosha Hooyadii, Iyo Xaaskiisa Oo Laba Carruur Wadata

Date:

Dadad waaweyn oo dhowaan ku soo rogmaday degmada Hebei ee dalka Shiinaha, ayaa nin degaanka ah ku kallifay in uu kala doorto laba go’aan oo aad u adag, kuwaas oo ahaa in dantu ay ku qasabtay in uu kala doorto badbaadinta hooyadii iyo xaaskiisa.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Alcarabiya ayaa lagu sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Gao Vingshaw uu qaatay go’aan adag oo ahaa in uu xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay kaga tago saqafka guri yar oo ay deggenaayeen oo ay ku go’doonsanaayeen khatarna ugu jireen in uu guri la dumo oo iyagana daadadku la tagaan, kadibna uu u orday dhinaca guri isla deegaanka ahaa oo ay hooyadii deggenayd, si uu u badbaadiyo.

Ninkan oo nasiibwanaaggiisa ku guulaystay in uu badbaadiyo hooyadii ayaa la sheegay in intii uu badbaadada hooyadii ku gudo jiray ay daadadku aad u sii bateen, sidaa awgeedna ay ku adkaatay in uu dib ugu noqday guriga uu saqafkiisa sare kaga tegey xaaskiisa iyo labadiisa carruur ahaa.

Saacado kadib oo ay daadadkii ka yaraadeen ayaa uu dib ugu soo noqday gurigii xaaskiisa, nasiib wanaagna waxa uu helay iyaga oo weli saqafkii sare ee guriga saaran oo daadkii ka badbaaday.

Ninkan ayaa ay xaaskiisu aad uga cadhootay go’aanka uu iyada iyo labadeeda carruur ah kaga tegey ee hooyadii uu u orday, markii uu ka soo dejiyey saqafkana waxa ay si dhaqso ah uga dalbatay in uu furo, cadho ayaanay ugu dudday gurigii labadeeda waalid. Laakiin muddo uu sabaalo waday, una sharraxayey sababta uu hooyadii u doortay kadib gabadhani waxa ay dooratay in ay dib ugu soo noqoto gurigeeda iyo saygeedan.

Waxaa xusid mudan in daadadka ka dhacay degmada Hebei ay khasaare aad u ballaadhan oo naf iyo hantiba ah ay geysteen iyada oo ay ku dhinteen 130 ruux halka 110 ruux oo kalana la waayey geeri iyo nololba meel uu daadku ku tuuray.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...