Labo gool uu qeybtii labaad dhaliyay Oscar ayaa keentay inay Chelsea 3-1 ku garaacdo saaka kooxda AC Milan kulan ka tirsan koobka International Champions Cup.

Bertrand Traore ayaa goolasha u furay Chelsea daqiiqadii 24aad, laakiin Milan ayaa iska caabin sameysay ka hor inta aan waqtiga nasashada la aadin iyadoo uu Giacomo Bonaventura uu barbareeyay ciyaartii ka socotay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Oscar ayaa hogaanka ku soo celiyay kooxda Premier League isagoo rigoore u dhaloyay bartamihii qeybta labaad ka dib markii Andrea Poli uu gacanta ku taabtay karoos uu xerada goolka soo dhex dhigay Cesar Azpilicueta.

Xiddiga reer Brazil Oscar ayaana natiijada u hubiyay Chelsea isagoo xilli danbe ciyaarta goolka seddexaad ee Blues daba mariyay goolhayaha Milan Gianluigi Donnarumma.

Conte iyo kooxdiisa waxa ay haatan wajahayaan Werder Bremen kulankooda ugu danbeeya ee saaxiibtinimo ka hor inta uusan xilli ciyaareedka Premier League bilaabanin, halka Milan ay wajaheyso Feiberg ka hor xilli ciyaareedka cusub ee Serie A