Somaliland: Shalay Kulankii Hadhimaddii Hogaamiyaha Iyo Ergadda Beesha

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Axaddii shalay ka qaybgalay kulan Qado-sharaf ah oo ay u sameeyeen Xubno Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqan isugu jira oo ka socday Beesha Makaahiil ee degta gobollada Saaxil iyo Maroodi-jeex, kuwaasoo wadahadal-dheer ka dib halkaas Guddi laba dhinac ah ku kala magacaabay.

Kulankaas Qado-sharafta ah oo aan Saxaafadda loo oggolaan, waxaa gogoshiisa lahaayd Beesha Makaahiil, isla markaana waxa uu ku qabsoomay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana Guddoomiyaha ku weheliyey Xubno Siyaasiyiin ah iyo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ka tirsan.

Inkasta oo aan Saxaafadda loo oggolaan kulankaas oo ay albaabbadu u xidhnaayeen, haddana sida ay Xubno goob-joog ahaa u sheegeen Wargeyska Ogaal, waxaa laga wadahadlay sidii ay Beesha iyo Xisbiga WADDANI wax u wada-qabsan lahaayeen, maaddaama lagu jiro wakhti loo diyaar-garoobayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee u muddaysan dabayaaqada bisha 3-aad ee sannadka 2017-ka.

Warku wuxu intaas ku daray, Kulankaasi inuu jewi fiican iyo is-afgarad wanaagsan ku dhammaaday. Isla markaana gebo-gabadiisii lagu magacaabay Guddiyo kala meteli doona Beeshaas iyo Xisbiga, kuwaasoo sii wadi doona wadahadallada u dhexeeya Beesha iyo Xisbiga. Waxaanay Goob-joogayaashu sheegeen in Guddoomiye Cirro xubnahaa beesha uga mahad-celiyey Casuumaddaa Qado-sharafta ah ee ay u sameeyeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...