Somalia: “ Waxaa guul inoo ah inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas ciyaaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016″

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed  oo ka qeyb-galeysa tartanka  Olimbikada  adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono  dalka Brazil.

 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey islamarkaana guddoonsiiyey Calankeenna Soomaaliya ciyaariyahanada  Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.
 “ Mar ka hore waxaa  guul inoo ah oo muhiimadeeduna leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada  adduunka ee RIO 2016 gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
 Ugu dambeyntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey ciyariyahanadaan oo maalinta berrito ah u ambabaxi doona dalka Brazil  inay guul ka soo hoyin doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.
 Dhammaad
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...