Somalia: Maxamed Cabdillahi Farmaajo Oo Maamulka Muqdisho Ku Eedeeyay Inay Ku Fashilantay Suggida Ammaanka.

Date:

Wasaarihii hore ee Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ku eedeeyay Dowladda Federalka Somaliya inay ku fashilantay dhanka Siyaasada iyo Suggida ammaanka.

Farmaajo ayaa sheegay Dowladda in laga doonaayay inay qaadato masuuliyada ku aadan suggida ammaanka Doorashada iyo guud ahaan dalka, balse taasi aysan muuqan, waxaana uu sheegay inay muuqato dayac badan oo dhanka ammaanka ah.

Wuxuu sheegay in amniga caasimada uu noqday mid sii xumaanaya, islamarkaana ay dhacayaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo ay geysanayaan Kooxda Shabaab.

“Aniga waxaa ii muuqata runtii in laga gaabiyay amniga, waana dhaqanka Dowladda Xasan Sheekh lagu yaqaano oo waqtigeeda uu dhamaadka yahay dhanka Siyaasada ayuu ka gaabiyay, Madaxweynaha ayaa qirtay maalin dhaweyd markii uu ka hadlaayay waxbarashada sheegay in Dowladda dhanka Siyaasada ay ka gaabisay.” Ayuu yiri Farmaajo.

Fashilka Dhanka Siyaasada ee haysata Dowladda Federalka Somaliya ayuu sheegay inay qayb ka tahay fulin la’aanta balan qaadyada shacabka Somaliyed ay u balan qaado Dowladda Xasan Sheekh oo aysan ka dhabeynin.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay muhiim inay tahay Dowladda inay ku dadaasho suggida ammaanka dalka, maadaama la filaayo dalka inay ka dhacdo Doorashada dadban.

Ammaanka Muqdisho ayaa muddooyinkaan dambe wuxuu noqday mid xumaaday, kadib markii ay sii kordheen falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka iyo qaraxyada.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...