Qaabkee Lagu Soo Qabqabtay Kooxdan?, Maxayse Ka Yidhaahdeen Sababta Ay Dadka Ula Tukan Waayeen, Cuntadana Ula Cuni Waayeen?, Halkeese Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeedaan?!!
Ciidamada Ammaanka, Maamulka Gobolka Iyo Culimada Gobolka Togdheer gaar ahaan Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan reebta oo is kaashanaya ayay u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan koox 22 qof ka kooban oo arrinkooda muddo badan lala socday oo ka mid ah firqooyinka loo yaqaano TAKFIIRKA ee dadka Muslimka ah ku tilmaama gaalada ee gaalaysiiya.
Kooxdan 22-ka qof ka kooban oo kala ah 21 Rag ah iyo qof haweenay ah oo arrinkooda muddo badan baadhis iyo daba gal lagu hayay ayay aakhirkii u suurto gashay Culimada Wanaag Farista iyo Xumaan reebista ee Gobolka Togdheer oo kaashanaya Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Ciidamada Ammaanka kuwaasi ayay u suurta gashay in ay kooxdan xabsiga dhigaan kuwaasi oo si cad u sheegtay oo u qirtay in ay ka mid yihiin firqda Takfiirka loo yaqaano oo ka mid ah firqooyinka xad-gudubsan ee dalalka Muslimiinta ah wakhtiyadan dambe ku soo badanaya, Kooxdan la qabtay oo la sheegay in ay aaminsan yihiin in gabi ahaanba Shacabka reer Somaliland ee ay ku dhex nool yihiin iyo xukuumadoodduba gaalo yihiin oo aanay waxna la cunin, waxba la cabin sidoo kalena salaadda jamaacada ah la tukan. Masuul sare oo ka tirsan Culimada Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista heer qaran ee Hargeysa oo shalay Wargeyska FOORE arrinkan wax ka waydiiyey ayaa sheegay in kooxdaasi jirto oo ay wakhtigan ku jiraan xabsiga Magaalada Burco. Waxa kale oo masuulkani nooga warramay qaabkii lagu qabtay, cidda ay yihiin iyo sida arrinkoodu yahay waxaanu Sheekha Arrinkan nooga warramay yidhi: “Waxa ay tiradoodu dhan tahay 22 qof oo kala ah 21 nin iyo hal gabadh. Dhammaantood waa Soomaali waxaanay ku sugan yihiin wakhtigan xabsiga Burco. Waxa la sheegay in ay dhalasho ahaan intooda badani ka soo jeedaan Dalkaasi Soomaaliya iyo Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya balse ay Burco muddo badan daganaayeen dadkuna ka war hayay caqiidadoodan faadiska ah balse wakhtigan arrinkoodu bannaanka yimid sidaana lagu qabtay. Waxay yidhaahdeen Yuhuud iyo Nasaaro idinkaa ka xun oo idinku daba tukan mayno, waxna idinla cuni mayno. Waxa nagu maqaalo ah in ay illaa 2001-dii Burco daganaayeen in badan oo kooxdan ka mid ahi”.
Masuulka Gudida Wanaag Farista ee arrinkan noo xaqiijiyey oo ka hadlayay sidii loo soo qabtay waxa uu yidhi: “Muddo badan ayay Ilaahay khayr ha siiyee culimada Magaalada Burco arrinkan ka hadlayeen, waxaana dhacday in kooxdan laga galay muxaadarooyin dadkana looga digay halistooda. Markii arrinku sidaa ahaa ayaa waxa dhacday in kooxdaasi oo si badheedh ah meelahaa uga hadli jirtay ay markii culimadu ka hadleen ay maamulka Gobolka Togdheer u tageen iyaga oo culimada ka cabanaya, markii la waraystayna ay si cad u qirteenba in ay aaminsan yihiin waxan lagu eedaynayo iyaga oo sheegay in dadka caqiiqadoodu xun tahay oo aanay cunto la cunin, meelna kula tukan. Markii taasi dhacdayna ay maamulka Gobolku go’aansadeen in dadkaasi la qabqabto oo xabsiga la dhigo, arrinkoodana baadhis adag laga galo”.
Kooxdan Takfiiriyiinta ah ee dadka gaalaysiisa oo si gaar ah ugu soo badanaya dalalka Islaamka ayaa waxa ay noqonaysaa markii ugu horraysay ee koox iyaga fikirkooda qaba oo Soomaali ah oo intan le’eg lagu qabto dalka iyada oo la sheego in kooxahani aaminsan yihiin in dadkoo dhammi gaalo yahay lana iska ilaaliyo in ay la macaamilaan gaar ahaan cuntooyinka sida Hilibka oo ay u arkaan in cidda karisay ama neefka soo qashay aanay caqiiqadoodu sax ahayn sidaa darteed aan hilibkooda la cuni Karin. Waxa kale oo ay aaminsan yihiin in xukuumad iyo shicibba dadku gaalo yihiin oo ay la mid yihiin Yuhuud iyo Nasaaro. Waxaanay qabaan in qofkii iyaga fikirkooda qaata ee haddana dib uga baxa la dilo oo qudha laga jaro.
Wargeyska FOORE oo isku dayay in uu faahfaahin ka sii helo sida kooxdani ugu dhex jirto Bulshada ayay u suurto gashay in uu xogo dheeraad ah ka helo iyada oo aannu wararkeena dambe ku soo qaadan doono warbixinno kooxdan la xidhiidha iyada oo wararka hordhaca ah ee na soo gaadhayaa sheegayaan in ay aragtidan qabaan in badan oo ka mid ah wadaaddo Oromo ah oo dalka ku nooli.