Somaliland: “Waxa Xaqiiqo Ah Inaanad Madaxweyne Doonayn Mudo Kordhin Dambe Ee Dadka Kugu Qasbaya Iska Diid” Cali kubad

Date:

Gudoomiye ku xigeenkii hore ee guddida doorashooyinka somaliland Cali Khadar Xasan(Cali Kubad) oo hada ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu mudo kordhin danbe aanu diyaar u ahayn balse ay jiraan dadka doonaya inay madaxweynaha ku qasbaan inay doorashooyinku dib u dhacaan oo mudo kordhin loo sameeyo.

Cali Kubad oo waraysi gaar siiyey wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa uu yidhi “ Xukuumada Kulmiye ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo waxa la doortay shan sano, shantiina way dhamaysatay waxaana loo kordhiyey laba sano oo dambe, labadiina waxay ku dhaw yihiin gabaabsi, waxa xaqiiqo ah inaanad madaxweyne doonayn mudo kordhin dambe  ee dadka kugu qasbaya iska dii doo doorashada qabo kuna dedaal inay doorashooyinku maalina dib uga dhicin.”

sidoo kale Cali Kubad oo ka hadlaya suurta galnimada inay mar wada dhacaan doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiiladu ayaa waxa uu yidhi “Labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada wakhti ayaa loogu tala galay inay dhacaan laakiin waxaan wali xal laga gaadhin saami qaybsigii gobolaa ee kuraasta wakiilada, si ay doorashooyinku mar u wada dhacaana waa in aad loo dedaala ama xalka ugu wanaagsan la gaadhaa”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...